Golaha Ammaanka oo ka shiraya xaaladda Itoobiya

Image
Shirka ayaa waxaa la sheegay in ay codsadeen dowladdaha Estonia, France, Ireland, Norway, UK iyo US.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta ka wada hadli doona xaaladda Itoobiya. Shirka waxaa codsaday Estonia, France, Ireland, Norway, UK iyo US.

Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Arrimaha Bani'aadminimada iyo Isku-duwaha Gargaarka Degdegga ah Martin Griffiths ayaa la filayaa inuu warbixin kooban bixiyo.

Kulanka maanta ayaa wuxuu imaanayaa kadib dib u dhac ku yimid dagaalada ka socda waqooyiga Itoobiya. Colaaddu waxay gashay sannadkii labaad bishii November.

Dabayaaqadii bishii Oktoobar, ciidamada Tigreega iyo xulafadooda ayaa la wareegay gacan ku haynta Dessie iyo Kombolcha—laba magaalo oo ka tirsan gobolka Axmaarada oo ku yaalla jidka isku xira Addis Ababa iyo caasimadda Tigreega ee Mekelle — taasoo muujinaysa isbeddel weyn oo ku yimid furimaha dagaalka.

Ciidamada Tigreega ee sida xawliga ah ugu socday Addis Ababa ayaa ku kalifay dalal dhowr ah - oo ay ku jiraan Faransiiska, UK iyo Mareykanka - inay ku booriyaan muwaadiniintooda ku sugan Itoobiya inay si degdeg ah dalka uga baxaan.

Si kastaba ha ahaatee, dawladda federaalku waxay qaaday weerar kaas oo horseeday guulo istiraatijiyadeed, oo ay ku jiraan dib u qabsashada magaalada Chifra ee gobolka Canfarta dabayaaqadii bishii November, iyo Lalibela, Dessie iyo Kombolcha horraantii Disembar.

Kulanka berri, xubnaha Goluhu waxay u badan tahay inay muujiyaan walaac ku saabsan xad-gudubyo halis ah oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ay geysteen labada dhinac.

16-kii Diseembar, Amnesty International iyo Human Rights Watch waxa ay ku warameen in ciidamada booliiska gobolka iyo malayshiyaadka Axmaarada ay ka fuliyeen “xadhig wadareed, dil, iyo cayrin qasab ah oo ka tirsan qowmiyadda Tigrayga” galbeedka Tigray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Suudaan oo Sheegay Inay Jabiyeen Difaacyada RSF

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay askar sheeganaya inay gacanta ku dhigeen Umm Sayala.

  • Afrika

    26-07-2026

  • 11:20AM

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM