Golle iska caabin ka dhan ah afgambiga oo laga aasaasay Niger

Image

NIAMEY - Wasiirkii hore ee dalka Niger Gissa Ag Bola ayaa ku dhawaaqay in la dhisayo “Golaha iska caabinta iyo soo celinta Jamhuuriyadda” ee dalka Niger, ujeedaduna tahay in laga shaqeeyo sidii xukunka lagu soo celin lahaa madaxweynihii la xiray Mohamed Bazoum.

"Waxaan ugu baaqaynaa askarta ixtiraamaysa dhaartooda iyo shacabka inay joojiyaan afgambiga, iyada oo aan dib loo dhigin, si loo xiro General Chiani," ayuu Bola ku yiri hadal uu jeediyay.

Sida lagu sheegay war-murtiyeedka, Golaha iska caabinta iyo soo celinta Jamhuuriyadda waa dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo ka shaqayn doona soo celinta nidaamkii iyo sharcinimadii dastuuriga aheyd, iyo dhamaan waajibaadkii madaxweyne Mohamed Bazoum.

Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo golaha milateriga ee Niger ay iska indho tireen waqtigii ay u qabteen ururka dhaqaalaha ee galbeedka Afrika "ECOWAS" si ay awoodda dib ugu soo celiyaan madaxweynihii la doortay ee Mohamed Bazoum.

Maalinta Khamiista ah ayaa la filayaa in caasimadda Nigeria ee Abuja uu ka furmo shir madaxeedka ECOWAS oo looga hadlayo xiisadda Niger.

Gissa Ag Bola waa hogaamiyihii hore ee kacdoonkii Tuareg ee Niger, oo ahayd jabhad hubaysan 2007dii taasoo ku dhaxmaatay heshiis nabadeed oo dhex maray labada dhinac ee diriraye.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM