Gorgortanka biyo xireenka Nile oo mar kale burburay

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Wareeg cusub oo gorgortan ah oo u dhexeeya Itoobiya, Suudaan iyo Masar oo ujeedkiisu yahay in lagu xalliyo muran muddo soo jiitamayay oo ku saabsan biyo xireenka weyn ee Addis Ababa ka dhiseyso wabiga Blue Nile ayaa mar kale burburay.

Biyo-xireenka Webiga Niil ee loo yaqaan 'Grand Ethiopian Renaissance Dam' (GERD) wuxuu xudun u yahay xiisadda wabiga Niil tan iyo markii ay Itoobiya bilowdey sanadkii 2011, iyadoo waddamada Masar iyo Suudaan ay ka walaacsan yihiin inay xaddido saamigooda biyaha ee muhiimka ah.

Muranka daba dheeraaday ayaa xoogeystay ka dib markii kaydkii weynaa ee ka dambeeyay biyo xireenka dhererkiisu yahay 145-mitir (475-foot) uu bilaabay buuxintiisa bishii July.

Toddobaadkii hore, saddexda waddan waxay ku heshiiyeen in la qabto wadahadallo dheeri ah si loogu heshiiyo buuxinta iyo ka shaqeynta kaydka.

Balse shirarkii ugu dambeeyay dhanka farsamada ee u dhaxeeyay wasiirada arimaha dibada iyo biyaha "waxay ku guuldareysteen inay gaaraan heshiis la aqbali karo si dib loogu bilaabo wadaxaajoodka", sida ay sheegtay wakaalada wararka dowladda Sudan ee SUNA Axadii.

Khartoum ayaa ka soo horjeesatay waxa ay ku sheegtay warqad 8-dii Janaayo ka soo baxday Itoobiya una dirtay Midowga Afrika taasoo lagu xusay in Itoobiya ay ka go’an tahay inay buuxiso kaydka bisha July, waxaana qorshuhu yagay in ay dhan yihiin 13.5 milyan oo mitir cubic oo biyo ah, haddii heshiis la gaaro iyo haddii kale.

"Ma sii wadi karno wareegtadan foosha xun ee wadahadalada wareegtada ah weligood," Wasiirka Waraabka Suudaan Yasir Cabaas ayaa sidaas bayaan ku sheegay.

Si kastaba ha noqotee, Masar iyo Itoobiya, oo qoraallo gooni gooni ah soo saareen, waxay ku eedeeyeen Suudaan in ay diidan tahay qaab-dhismeedka wadahadalka ayaga oo ku sifeeyay "carqaladda cusub".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo si weyn uga carootay hadal kasoo yeeray dowladda Suudaan

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa muujisay "sida ay uga xun tahay" hadalkaas.

  • Afrika

    15-11-2024

  • 07:45AM

In ka badan 50 qof oo lagu dilay duqeyn ka dhacdey gobolka Amxaarada

21 kale ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhaawacmeen, waxaana qaarkood xaaladooda ay halis tahay.

  • Afrika

    09-11-2024

  • 01:52PM