Gudoomiyihii la xiray ee Nairobi oo isbitaal loola cararay

Image

NAIROBI, Kenya – Gudoomiyaha caasimadda Kenya ee Nairobi ayaa isbitaal loola cararay habeenimadii Isniinta kadib xanuun lama filaan ah.

Illo wareedyo ku dhow Sonko ayaa u sheegay Garowe Online Online in gudoomiyaha uu lasoo darsey xanuun dhanka xabadka ah.

Saraakiisha xabsiga uu ku jiray ee Kamiti ayaa xaqiijiyey in la dhigay Isbitaalka Kenyatta ee Nairobi, halkaas oo lagu daaweynayo.

Mike Sonko ayaa la xiray Jimcadii lasoo dhaafay kadib markii xeer-ilaalinta kusoo eedeysay in uu musuqmaasuqay 3 milyan oo Doollar.

Lacagtaas oo lagu arkay akoonkiisa ayaa waxaa la sheegay in aan la ogayn halka ay kasoo gashay, taas oo su'aallo badan dhalisay.

Isniintii ayuu kasoo muuqday maxkamad. Ciidamadda ayaa xiray waddooyinka si looga hortago banaanbax ay sameeyaan taageereyaashiisa.

Garsooreyaasha oo go’aamiyey in xabsiga lagu sii hayo waxay sheegeen in ay jiri doonan fadhiyo kale oo looga doodayo gal-dacwadeedkan.

Sonko oo horey u beeniyey in uu ku kacay wax is-dabamarin ayaa wuxuu wacad ku maray in uu la dagaalami doono "been abuurka siyaasadeysan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM