Halkee ayay marayaan wada hadalada dowlada Itoobiya iyo Tigreega?

Image

NAIROBI, (GO) - Wejigii labaad ee wadahadalada u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo jabhadda TPLF ayaa ka furmay magaalada Nairobi kadib markii heshiis xabbad joojin oo waara ay todobaad ka hor ku gaareen dalka Koonfur Afrika.

Shirkan Nairobi ayaa waxaa kasoo qeybgalay taliyeyaasha ciidamada labada dhinac, iyada oo laga wada hadlayo sidii loo dajin lahaa hab-raac lagula socdo dhaqangalka heshiiska.

Sida uu warbaahinta u sheegay madaxa wadahadalada ee dowladda Ridwaan Xuseen, dowladda Itoobiya ayaa dib usoo celinaysa isgaarsiinta gobolka Tigreega iyo awoodda korontada.

Waxa uu dhanka kale sheegay Ridwaan in burburka dhaqaalaha ee dagaalka geystay uu dhanyahay $20 bilyan oo doolar, loona baahanyahay in dib u dhis xooggan lagu sameeyo dalka Itoobiya.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in xiriirka isgaarsiinta tooska ah lagu guuleystay in uu dhexmaro labada dhinac, xaaladdana ay aad usoo hagaagayso.

Balse dowladda Itoobiya waxa ay ka cago jiidaysaa in ay fasaxdo duulimaadyada gobolka Tigreega illaa inta laga xaqiijinayo ama la hubinayo sugnaanta xaaladda amni ee gobolkaas.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM

Hemetti oo Taliyeyaasha RSF ku amray inay qaadaan weerarro kadib guuldarro kasoo gaartay dagaalka Sudan

RSF iyo ciidamada dowladda Suudaan ayaa tan iyo Abriil 2023 ku dagaallamayay loollan awoodda dalka ah.

  • Afrika

    28-07-2026

  • 08:16AM