Haweenay loo karan-tiilay xanuunka Covid-19 oo "is-dishay"

Image

NAIROBI, Kenya – Haweenay 27-jir ah una dhalatay Koonfur Afrika, taas oo 14-maalmood oo karan-tiil ah loo geliyey Coronavirus ayaa aroornimadii Jimcada meydkeeda laga helay qol ay kaga jirtay ismaamulka Nakuru.

Sidda ay sheegeen mas'uuliyiin, meydka ayaa kasoo laad-laadey saqafka qolka yar ee ku yaala Machadka Tababarada Warshadaha ee Kenya.

Gichuki Kariuki, madaxa caafimaadka ee dowlad goboleedka Nakuru, ayaa xaqiijiyey geerida, balse ma uusan bixin tafaasiil dheeri ah.

Shaqaalaha caafimaadka ee loo diray xarunta si ay u soo indha-indheeyaan dadka gooni-yeelay ayaa xusay in Elizabeth Holloway ay is-dishay, iyaddoo adeegsaneysa maro yar.

Haweenayda, sidda uu illo wareedyo kasoo xigtay wargeyska Daily Nation, waxay Khamiistii ka cabatay in lagu karan-tiilay "xaalad aan fiicneyn".

"Mas'uuliyiinta oo ay soo wacday ayay ka codsatay in laga wareejiyo goobta," ayuu jaraa'idka kasoo xigtay illo wareedyo uusan carabaabin.

Bukaanka oo la shaqeynayey shirkad maxali ah ayaa lagu qabsay in uu karan-tiil galo kadib markii la arkay iyaddoo banaanka socota xili ay dhowaan kasoo laabatay dibadda isla markaana aysan gelin muddo huuriska.

Sikastaba ha ahaatee, hadalheyn xoogan ayaa waxay ka dhalatay dhimashadda haweenayda, iyaddoo Wasaaradda Caafimaadka Kenya ay ku dhawaaqdey baaritaano dheeraad ah oo lagu sameyn doono kiiska Holloway.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM