Hogaamiyaha mucaaradka Uganda oo la dhigay xabsi guri

Image
Wine ayaa waxa uu kaalinta labaad galay doorashadii xamaasadda badnayd ee bishii January.

KAMPALA, Uganda – Hogaamiyaha mucaaradka Uganda, Bobi Wine, ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay isku gadaameen hoyga uu degan yahay ayna ku xireen xabsi guri ka hor isu soo bax la qorsheeyay.

Qoraalo xiriir ah oo uu soo dhigay Twitter-ka Talaadadii, ayuu fannaanka isku beddelay siyaasiga, oo dhowr jeer la xiray sannadihii u dambeeyay, wuxuu ku caddeeyay in askar booliis iyo milateri ah oo habeen hore la geeyay ay u diideen inuu ka baxo gurigiisa oo ku yaal Makere oo ku yaalla waqooyiga caasimadda Kampala.

Bobi Wine, oo magaciisa saxda ah yahay Robert Kyagulanyi, ayaa Talaadadii lagu waday inuu u ololeeyo taageerada musharraxa mucaaradka ee u tartamaya doorashada ku celiska ah ee degmada Kayunga ee bartamaha dalkaasi, halkaas oo la filayo in Museveni uu ku qabto isu soo bax.

Wine ayaa waxa uu kaalinta labaad galay doorashadii xamaasadda badnayd ee bishii January, taasoo Museveni ku celisay xukunka markii lixaad.

Codeynta ayaa la qabtay Internet-ka oo maqan kadib ololeyaal ay musharixiinta mucaaradka si caadi ah uga hortageen booliska, waxaana dad badan toogasho ku dilay ciidamada ammaanka.

Xiisadaha doorashada ka hor ayaa la karkariyey intii lagu jiray mudaaharaadyo ka dhashay xariga Bobi Wine. Rag dhalinyaro ah ayaa taayaro ku gubay jidada, waxaana ciidamada ammaanka ay dileen ugu yaraan 54 qof.

Mareykanka ayaa maalmo ka hor ku dhawaaqay cunaqabateyn ka dhan ah taliyaha sirdoonka militariga Major General Abel Kandiho, isagoo ku sababeeyay ku lug lahaanshaha xad gudubyo halis ah oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ay ka mid yihiin garaacis, faraxumeyn iyo koronto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM