Hogaamiyeyaasha Tigray iyo Amxaarada oo is-faham cusub gaarey

Image
Madaxda labada mas'uul ayaa wadahadalo xasaasi ah ku yeeshay magaalada Bahir Dar.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Hogaamiyayaasha gobolada Axmaarada iyo Tigreega ee waddanka Itoobiya ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay in wada hadal lagu dhameeyo khilaafka ka dhaxeeya.

Barasaabka gobolka Axmaarada Yilkal Kefale iyo hogaamiyaha ku meel gaarka ah ee Tigray, Getachew Reda, ayaa ballan qaaday mar ay wada hadal ku yeesheen magaalada Bahir Dar ee xarunta Axmaarada.

Mr Getachew ayaa hogaaminaya wafti Tigray ah oo Axadii shalay ahayd tagay gobolka Axmaarada halkaas oo si ballaaran loogu soo dhaweeyay aadna loogu baahiyey internet-ka.

Waa markii ugu horreysay oo wafdigan uu ka dago ismaamulkan tan iyo markii uu dagaal sokeeye oo dad badan ku dhinteen uu ka qarxay waqooyiga Itoobiya bishii November 2020.

Dagaalka ayaa wuxuu ku dhammaaday heshiis nabadeed bishii November ee la soo dhaafay kaasoo ay garwadeen ka ahaa Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

Labada hogaamiye ayaa xusay in ay ka shaqayn doonaan sidii dib loogu furi lahaa isu socodka gaadiidka Tigray iyo Axmaarada, kaas oo bixiya wadada ugu gaaban ee isku xidha Tigray iyo Addis Ababa.

Waqtigan xaadirka ah, isu socodka waddooyinka Addis Ababa iyo Tigray wuxuu ugu horrayn maraa gobolka waqooyi-bari ee Canfarta, kaas oo dheer oo kharash badan.

Si kastaba ha ahaatee, labada masuul ayaan ka hadlin arrinta qodaxaha leh ee ku saabsan muranka dhuleed ee u dhexeeya labadooda gobol taasoo kamid ah arrimaha taaga isku-dhaca hubeysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Suudaan oo Sheegay Inay Jabiyeen Difaacyada RSF

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay askar sheeganaya inay gacanta ku dhigeen Umm Sayala.

  • Afrika

    26-07-2026

  • 11:20AM

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM