Hogaamiyihii afgembiga Burkina Faso oo noqdey madaxwyane

Image
Paul-Henri Sandaogo Damiba, hogaamiyihii afgembiga, ayaa loo magacaabay madaxwayne.

OUAGADOUGOU, Burkina Faso - Xukuumadda militariga Burkina Faso ayaa sheegtay in ay dib u soo celisay dastuurkii toddobaad ka dib markii ay xukunka la wareegtay, waxayna hogaamiyihii afgambiga u magacaabeen inuu noqdo madaxa dawladda ee xilliga KMG ah.

Talaabadan ayaa timid wax yar un kadib markii Midowga Afrika (AU) uu shaqada ka joojiyey Burkina Faso si ay ula wareegaan dalka iyo dublamaasiyiinta Galbeedka Afrika, Qaramada Midoobayna ay cadaadis ku saartay in dib loogu soo celiyo xukunkii rayidka ahaa.

War qoraal ah oo laga akhriyay telefiishanka Isniintii, ayay xukuumadda militariga ku dhawaaqday inay ansixisay "fal aasaasi ah" oo "kor u qaadaya laalista dastuurka", tallaabadaas oo lagu dhawaaqay afgambigii Janaayo 24-keedii.

Qoraalka oo ka kooban 37-qodob ayaa dammaanad ilaalinaya madax-bannaanida garsoorka iyo in aan dambi lahayn, iyo sidoo kale xorriyadaha aasaasiga ah ee ku qeexan dastuurka sida xorriyadda dhaqdhaqaaqa iyo xorriyadda hadalka, sida lagu sheegay bayaanka.

Saacado ka hor, 15-ka xubnood ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa ku sheegay Twitter-ka inay u codeeyeen "in la hakiyo ka-qaybgalka #BurkinaFaso ee dhammaan hawlaha Midowga Afrika ilaa inta si hufan loogu soo celinayo nidaamka dastuuriga ah ee dalka".

Jimcihii, Ururka Dhaqaalaha ee Galbeedka Afrika (ECOWAS) ayaa sidoo kale ka joojiyey Burkina Faso safkeeda, waxayna ka digeen cunaqabatayn suurtagal ah oo lala sugayo natiijada shirarka ay la leeyihiin dawladda militariga.

Wafdi ka socda ECOWAS uuna horkacayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Ghana Shirley Ayorkor Botchway ayaa gaaray Ouagadougou, halkaasoo uu ku biiray ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Galbeedka Afrika iyo Sahel (UNOWAS), Annadif Khatir Mahamat Saleh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM