Hogaanka mucaaradka Itoobiya ee xiran oo ka soomay cuntada

Image
Qaarkood ayaa in ka badan laba sano u xiran eedeymo la xiriira "hurin colaadeed iyo argagixiso".

ADDIS ABABA, Ethiopia - Hogamiyayasha sare ee xisbiga mucaaradka ah ee Itoobiya ee xabsiga loo taxaabay ayaa ka soomay cuntadda iyaga oo ka cabanaya "xaalad liidata" oo xabsiga dhexdiisa ah.

Xubnaha guddiga fulinta ee jabhadda Oromada ee OLF, Mikael Boran, Kenasa Ayana iyo afhayeenkooda Bate Urgessa ayaa ka mid ah dadka maalmo ka soomay cuntada, sida uu xisbigu ku sheegay war-saxaafadeed.

"Hogaanka qaarkiisa ayaa helay daryeel liidata halka kuwa kalana ay gabi ahaanba diideen cunto, biyo iyo waxyaabaha kale ee daruuriga u ah bini'aadamka," ayaa lagu yiri warka qoraalka.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in caafimadka madaxda uu sii xumaanayo maalin walba, qoysaskoodana aysan awoodin inay booqdaan. Mas'uuliyiinta ayaan wax jawaab ah ka bixin eedeynta loo jeediyay.

Inta badan madaxda sare ee OLF ayaa xabsiga ku jira in ka badan 2 sano kadib markii lagu eedeeyay hurin colaadeed iyo argagixiso. Qaar ka mid ah ayaa ku jira xabsiyada inkastoo ay maxkamadu amartay in la sii daayo.

Xukuumadu Abiy Axmed ayaa waxay dhawaan xabsiga ka sii deysay hogaamiyeyaasha mucaaradka ah ee xisbiyada kale "si ay ugu gogol xaarto soo jeedinta wada-tashi heer qaran ah".

Xisbiga OLF ayaa wuxuu shaaca ka dhigay in aan lagu casuumin in ay qeyb ka noqoto wada hadalada, islamarkaana ay dalbaneyso in la sii daayo hogaamiyayaasheeda si ay uga qeyb galaan wada hadalada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM