Hogaanka mucaaradka Itoobiya ee xiran oo ka soomay cuntada

Image
Qaarkood ayaa in ka badan laba sano u xiran eedeymo la xiriira "hurin colaadeed iyo argagixiso".

ADDIS ABABA, Ethiopia - Hogamiyayasha sare ee xisbiga mucaaradka ah ee Itoobiya ee xabsiga loo taxaabay ayaa ka soomay cuntadda iyaga oo ka cabanaya "xaalad liidata" oo xabsiga dhexdiisa ah.

Xubnaha guddiga fulinta ee jabhadda Oromada ee OLF, Mikael Boran, Kenasa Ayana iyo afhayeenkooda Bate Urgessa ayaa ka mid ah dadka maalmo ka soomay cuntada, sida uu xisbigu ku sheegay war-saxaafadeed.

"Hogaanka qaarkiisa ayaa helay daryeel liidata halka kuwa kalana ay gabi ahaanba diideen cunto, biyo iyo waxyaabaha kale ee daruuriga u ah bini'aadamka," ayaa lagu yiri warka qoraalka.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in caafimadka madaxda uu sii xumaanayo maalin walba, qoysaskoodana aysan awoodin inay booqdaan. Mas'uuliyiinta ayaan wax jawaab ah ka bixin eedeynta loo jeediyay.

Inta badan madaxda sare ee OLF ayaa xabsiga ku jira in ka badan 2 sano kadib markii lagu eedeeyay hurin colaadeed iyo argagixiso. Qaar ka mid ah ayaa ku jira xabsiyada inkastoo ay maxkamadu amartay in la sii daayo.

Xukuumadu Abiy Axmed ayaa waxay dhawaan xabsiga ka sii deysay hogaamiyeyaasha mucaaradka ah ee xisbiyada kale "si ay ugu gogol xaarto soo jeedinta wada-tashi heer qaran ah".

Xisbiga OLF ayaa wuxuu shaaca ka dhigay in aan lagu casuumin in ay qeyb ka noqoto wada hadalada, islamarkaana ay dalbaneyso in la sii daayo hogaamiyayaasheeda si ay uga qeyb galaan wada hadalada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM