In ka badan 300 ka yimid hal dal oo lagu la'yahay xeebaha Spain

Image
Jidkan ayaa noqdey mid ka mid ah waddooyinka ugu badan ee la isticmaalo sannadihii la soo dhaafay.

NAIROBI, Kenya - Saddex doonyood oo ay la socdeen in ka badan 300 oo tahriibayaal ah ayaa lagu la’yahay Badweynta Atlaantigga, sida uu Axaddii sheegay sarkaal ka tirsan kooxda Walking Borders ee muhaajiriinta.

Helena Maleno, oo ah afhayeenka kooxda, ayaa sheegtay in doonyaha ay ka soo ambabaxeen 15 maalmood ka hor Senegal, kuna sii jeedeen jasiiradda Canary ee Spain.

Maleno ayaa xustey in ku dhawaad ​​200 oo tahriibayaal ah oo aan caadi ahayn ay saarnaayeen mid ka mid ah doonyahaasi, ku dhawaad ​​65 qof oo saarnaa doonta labaad iyo 60-ka kalana doonta saddexaad, kuwaas oo la sheegay inay ka soo ambabaxeen tuulada Kafountine ee koonfurta Senegal.

Iyadda oo hadalkeeda sii wadata, Helena Maleno ayaa waxa ay hoosta ka xariiqdey in qoysaska muhaajiriinta ay ka walaacsan yihiin xaaladdooda nololeed.

Waa mid kamid ah socdaalka aan caadiga ahayn ee ka imanaya xeebaha Waqooyiga qaaradda Afrika kuwaas oo bilooyinkii lasoo dhaafay soo gaarayay jasiiradaha Canary ee Spain.

Jidkan ayaa noqdey mid ka mid ah waddooyinka ugu badan ee la isticmaalo sannadihii la soo dhaafay, waxaana loo arkay in socodka uu sarreeyo gaar ahaan xagaaga.

Ugu yaraan 559 muhaajiriin aan caadi ahayn ayaa dhintay iyaga oo isku dayaya in ay gaaraan jasiiradaha Canary sanadka 2022, oo ay ku jiraan 22 carruur ah, sida lagu sheegay xogta Hay’adda Socdaalka Adduunka ee Qaramada Midoobay (IOM).

Walking Borders ayaa dhankooda waxa ay caddeeyeen, si kastaba ha ahaatee, in tirada muhaajiriinta aan caadiga ahayn ee naftooda ku waayay waddada sannadkii hore ay ahayd 1,784 taas oo aad uga badan tirokoobka IOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM