In ka badan 300 qof oo ku naf-waayay cudur ka dilaacay Suudaan

Image
Tan iyo bishii June, roobab mahiigaan ah iyo daadad ayaa ka qayb qaatay fiditaanka cudurka daacuunka.

KHARTUUM, Suudaan - Wasaaradda caafimaadka ee dowladda Suudaan ayaa waxay ku dhawaaqday in tirada dadka u dhintay cudurka daacuunka ay gaartay 348 qof.

Cudurkan dillaacay ayaa saameeyay sagaal gobol, iyadoo wadar ahaan la soo sheegay 11,079 xaaladood, sida lagu sheegay bayaanka wasaaradda.

Waxaa jira shaki laga qabo qandhada dengue shan gobol, iyada oo la sheegay in laba dhimasho ah oo la soo sheegay la xidhiidha tuhunkan, ayay raacisay.

Tan iyo bishii June, roobab mahiigaan ah iyo daadad ka da'ay Suudaan ayaa ka qayb qaatay fiditaanka cudurka daacuunka.

Saraakiisha Suudaan ayaa ku dhawaaqay in daacuun uu dillaacay 12-kii Ogosto.

Dalka Suudaan ee ay dagaalladu ragaadiyeen, nidaamka daryeelka caafimaad ee aan waxtarka lahayn ayaa ka dhigay faafitaanka cudurrada faafa xitaa mid aad ugu adag dadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Museveni oo hoggaanka u haya doorashada Uganda, mucaaradka oo cabanaya 

Suxufiyiin maxalli ah ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay ka hor istaageen inay gaaraan guriga Bobi Wine ee xaafadda Magere ee Kampala.

  • Afrika

    17-01-2026

  • 12:35PM

Doorashada Uganda: Madaxweyne Museveni oo Raadinaya Markiisii 7-aad

Doorashada ayaa ku bilaabatay jawi kacsan, waxaana la soo sheegayaa in meelaha qaar laga jaray adeeggii internet-ka.

  • Afrika

    15-01-2026

  • 11:56AM