Iska hor-imaad dhimasho sababay oo ka dhacay caasimadda Masar

Image

QAAHIRA, Masar - Sarkaal boolis ah iyo toddoba la tuhunsan yahay inay yihiin mintidiin ayaa Talaadadii lagu dilay is-rasaaseyn dhex martay kadib markii wasaaradda arrimaha gudaha ay heshay xogta weerar la rabay in lagu qaado Kirishtanka Kaniisadda Coptic, sidda ay wasaaradda sheegtay.

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in saddex boolis oo kale lagu dhaawacay iska hor-imaadka oo muddo saacado ah socday.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in akhbaarta ay heshay ay muujineysay in koox Takfiiri ah oo ku sugan bariga magaalada Qaahira ay qorsheyneysay howl-gal argagixiso oo lagu beegsanayo Kirishtanka Coptic, inta lagu guda jiro toddobaadka ay u dabaal-degaan ciidda Easter Sunday.

Kirishtanka Kaniisadda Coptic, oo ah 10% shacabka Masar ee 100-ka milyan ah, ayaa ah bulshada Kirishtanka ee ugu badan Bariga Dhexe. Waxay maalinta Easter Sunday u dabaal-degaan 19-ka April.

Masar ayaa ereyga Takfiiri u adeegsata inay ku qeexdo Mintidiinta Islaamiga ah ee dalkaas weerarada ka geysta.

Hub iyo rasaas ayaa laga helay goobta uu iska hor-imaadka ka dhacay, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha.

Dacwad-oogaha Masar ayaa sheegay in koox baarayaal ah loo diray goobta uu iska horimaadka ka dhacay oo ku taalla degmada Al-Amiriya ee magaalada caasimadda ah. Falkaan ayaa wuxuu kusoo aadaya xili dadweynaha waddankaas ay heegan ku jiraan sababo la xiriirta ka hortaga Coronavirus.

GO + VOA

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM