Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya – Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku dhowaaqay maalgashi baaxad leh oo dhan 23 bilyan oo Yuuro ($27 bilyan oo doollar), kaas oo loogu talagalay in lagu fuliyo mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyo qaaradda Afrika.

Ku dhowaaqista lacagtan ayaa timid xilli uu Madaxweyne Macron ka qayb-galayay shirka weyn ee iskaashiga Faransiiska iyo Afrika (Africa Forward Forum) oo ka dhacay magaalada Nairobi, dalka Kenya. Shirkan waxaa isugu yimid hoggaamiyeyaal ka socday in ka badan 30 waddan oo Afrikaan ah, isagoo noqonaya shirkii ugu horreeyay ee noociisa ah oo lagu qabto waddan aan ku hadlin luuqadda Faransiiska.

Lacagtan loo qoondeeyay Afrika ayaa lagu baahin doonaa qaybaha ugu muhiimsan ee dhaqaalaha qaaradda, sida tamarta, sirdoonka macmalka ah (AI), farsamada dhijitaalka ah, gaadiidka badda iyo saadka, iyo horumarinta beeraha.

Madaxweyne Macron oo sharraxayay ujeedka booqashadiisa ayaa yiri: "Halkan uma imaanin oo kaliya inaan Afrika maalgashano, balse waxaan sidoo kale rabnaa inaan fursado u abuurno ganacsatada Afrikaanka ah si ay iyaguna maalgashi uga sameystaan dalka Faransiiska."

Maamulka Faransiiska ayaa sheegay in qorshahan maalgashi lagu qiyaasayo inuu qaaradda Afrika ka abuuri doono 250,000 oo shaqo oo toos ah, taas oo wax weyn ka tari doonta dhibaatada shaqo la'aanta ee haysata dhalinyarada qaaradda.

Madaxweyne Macron oo sharraxayay ujeedka booqashadiisa ayaa yiri: "Halkan uma imaanin oo kaliya inaan Afrika maalgashano, balse waxaan sidoo kale rabnaa inaan fursado u abuurno ganacsatada Afrikaanka ah si ay iyaguna maalgashi uga sameystaan dalka Faransiiska."

Tallaabadan ayaa loo arkaa isku-day uu Faransiisku ku doonayo inuu ku xoojiyo xiriirka uu la leeyahay qaaradda Afrika, gaar ahaan sidii uu iskaashi cusub ula yeelan lahaa dalalkii uu horay u gumaystay iyo kuwa kale ee qaaradda ku yaalla. Isbeddelkan cusub ayaa ku dhisnaan doona is-ixtiraam iyo iskaashi labada dhinacba u faa'iido leh, halkii markii hore xoogga la saari jiray kaalmooyinka kaliya.

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Mareykanka oo ka Digay in Khatarta Daacish inay ku xoogaysato Qaaradda Afrika

Ugu dambeyn, Washington waxay hoosta ka xariiqday in dowladaha Afrika looga fadhiyo inay qaadaan mas'uuliyadda ugu weyn ee dagaalka.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 10:42AM