Isku-day afgembi oo laga soo wariyey Jamhuuriyada Jabuuti

Image
Gaashaanle Sare Zakariye Sheekh iyo Korneyl C/llaahi Cabdi

DJABUUTI, Jabuuti - Taliyeyaasha milateriga iyo booliska Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa xabsi guri loo galiyay sababo la xiriira "inqilaab afgambi," sida ay sheegayaan warbixinadda laga helayo dhowr illo wareed kala duwan.

Gaashaanle Sare Zakariye Sheekh iyo Korneyl C/llaahi Cabdi ayaa la sheegay in looga shakiyey inay qorsheynayeen afgambi ka dhan ah Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo xilka hayay tan iyo 1999-kii.

BBC-da ayaa ku warantay in dadka la xiray uu kamid yahay wasiir hore Boode Rooble. Warbixinada waxay intaas ku darayaan in askar daacad u ah Geelle ay bilaabeen howlgal saf-ballaaran leh.

Dowladda Jabuuti ayaan wali wax fahfaahin ah ama falcelin ah ka bixin warbixinaddan. Warbaahin madax-banaan kama shaqeyso dalkan. Sidoo kale, ma jiro mucaarad awood badan.

Bishii April, 2021-kii, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii shanaad loo doortay madaxweynaha Jabuuti. Sakariya Ismaaciil Faarax oo ah murrashaxa qura ee la tartamayay Geelle ayaa helay wax ka yar 2%.

Geelle oo guushiisa kadib balanqaadey in uu Jabuuti ku hogaamin doono horumar dhaqaale ayaa sanadkii 1948 ku dhashay magaalada Diridhaba ee Dowlad Deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya.

Sanadkii 1999 ayuu madaxtinimadda kala wareegay Xasan Guuleed Abtidoon oo ay qaraabo yihiin, kaas oo dalka xukumayay tan iyo intii ay Jabuuti xornimada qaadatay sanadkii 1977.

Geelle waxaa mar kale dib loo doortay sanadihii 2005, 2011 iyo 2016, iyo sanadkii hore 2021. Madaxweynaha xaaskiisa waa Khadra Maxamuud Xayd, waxayna isku dhaleen afar carruur ah oo kala ah labo wiil iyo labo gabadh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM