Itoobiya: Dhul go’ ka dhacay oo galaaftay nolosha 23 qof

Image
Masiibadan ayaa barakicisay 2,700 oo qof, waxayna baabi’isay 1,775 hektar oo dalag ah.

NAIROBI, Kenya - Dhul go’ ka dhacay waqooyiga gobolka Gonder ee gobolka Axmaarada ee dalka Itoobiya ayaa galaaftay nolosha 23 qof, siddeed kalena way ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay warbaahinta.

Sida ay sheegtay warbaahinta dowladda ee Fana (FBC), masiibadan ayaa barakicisay 2,700 oo qof, waxayna baabi’isay 1,775 hektar oo dalag ah, waxaana ku burburay 48 guri oo ku yaalla 11 degmo oo miyiga ah.

Waaxda Isgaarsiinta ee deegaanka ayaa shaaca ka qaaday in la sameeyay guddi gurmad u fidiya dadka ku waxyeeloobay dhul go’a.

Dhacdadan ayaa ku soo beegantay iyadoo 24-kii Agoosto 2024 mar kale dhul go’ ka dhacay deegaanka Abna Kebele ee degmada Tselemti ee gobolka Waqooyi-galbeed ee Tigrayga, halkaas oo 10 qof ay ku naf waayeen lix kalena la la’yahay.

Maamulka degaanka ayaa heegan ku jiray ka dib digniino ka soo baxay machadka saadaasha hawada ee Itoobiya ee ku saabsan khatarta sii kordheysa ee dhul go’a sababtoo ah roobab lixaad leh oo la filayo.

Roobabkan ayaa ah kuwo dhibaato badan ku haya gobollada dalka, iyadoo dhul go’ uu ku dhuftay degmooyin badan oo ku yaalla waqooyiga iyo koonfurta.

Bishii la soo dhaafay, dhul go’o xiriir ah oo ka dhacay aagga Gofa ee gobolka koonfureed ee Itoobiya ayaa galaaftay nolosha ku dhawaad ​​260 qof, waxaana ku barakacay in ka badan 15,000 oo qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nigeria: Ku dhowaad hal milyan qof oo ku barakacay daadad ba'an

Daadadkii ugu xumaa ee muddooyinkan dambe waxaa ku dhintay 600 oo qof sannadkii 2022-kii.

  • Afrika

    12-09-2024

  • 12:46PM

Senegal: Ugu yaraan 16 qof oo ku geeriyooday shil gaari

Shilalka waddooyinka ayaa ku soo noq-noqda dalka Senegal, waxaana inta badan loo sababeeyaa waddooyinka.

  • Afrika

    10-09-2024

  • 10:46AM