Itoobiya iyo Masar oo is-faham ka gaarey muranka biyo-xireenka Nile
ADDIS ABABA, Itoobiya - Kadib markii ay fashilmeen dhowr wadahadalo, Itoobiya iyo Masar ayaa sheegay in ay doonayaan in ay afar bilood gudahood uga heshiiyaan muranka biyo xireenka ugu weyn Afrika.
Dadka la socda siyaasadda gobolka Geeska Afrika ayaa talaabadan waxa ay ku macneeyeen mid muuqata horumar laga gaaray khilaaf ay Qaahira ku tilmaantay khatar jirta.
War-murtiyeedka wadajirka ah ee ku saabsan “wada xaajoodka degdega ah” ee ay soo saartay dowladda Itoobiya, ayaa yimid ka dib markii ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, uu kala hadlay biyo-xireenka Masar madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sissi oo uu dhinac socday shir goboleed oo looga hadlayay colaadda ka jirta dalka deriska la ah ee Sudan.
Suudaan waa dhinac saddexaad ee wadahadalka ku saabsan mashruuca Grand Renaissance Dam ee Itoobiya ee webiga Blue Nile, kaas oo ku yaal meel 10 kiiloomitir (6 mayl) oo keliya u jirta xudduudda Suudaan.
Dowladda Shiinaha ayaa lagu waramay in aduun lacageed dhan $4.6 bilyan oo doollar ay ku kharash-gareyneyso mashruucaan taas oo ay khatar weyn u arkeen reer galbeedka.
Masar waxa ay ku tiirsan tahay wabiga Niil si ay dadkeeda 100-ka milyan ah ay u helaan biyo macaan, halka Itoobiya ay sheegtay in biya xireenka uu ka caawinayo in malaayiin kamid ah 110 milyan oo muwaadiniinteeda ah ay ka saaraan faqriga.
Xiisada ayaa kor u kacday markii kaydka biyo-xidheenka la bilaabay in la buuxiyo sannad kasta dhawrkii sano ee la soo dhaafay. Addis Ababa waxay dooneysaa in ay biyo-xireenka ka dhaliso koronto.
Bayaanka cusubi kuma tilmaamayo heshiiska la sii saadaaliyay inuu yahay mid sharci ah, kaasoo Masar iyo Sudan ay doonayeen halka Itoobiya ay gabi ahaanba kasoo horjeedo.
Sidoo kale ma cadda in wadahadallada ay hoostagi doonaan Midowga Afrika, oo Itoobiya ay door bidday. Maraykanku waxa uu ka mid ahaa dhexdhexaadiyeyaal kala duwan oo hore kuwaas oo riixaya heshiiskan.
GAROWE ONLINE