Itoobiya oo beenisay in ay ka laabatay is-afgaradkii Somaliland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Itoobiya ayaa beenisay in ay ka noqotay heshiiskii is afgarad ee ay la gashay Maamulka Waqooyi ee Somaliland.

War xafiiska Ra'iisulwasaare Abiye Axmed ka soo baxay ayaa lagu sheegay in laga digtoonnado wararka been abuurka ah.

Arrinkan ayaa ku soo beegmaya xilli saacadihii la soo dhaafay ay baraha bulshada haystay warqad wadata summadda xafiiska dalka Itoobiya looga taliyo taas oo tilmaamaysay in Itoobiya ka baxday heshiiskii is afgarad ee sannadkan horraantiisii ay la gashay Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Is-miidaamin ay fuliyeen dumar oo dad badan ku laayay Nigeria

Mid kamid ah qaraxyadda ayaa waxaa lala beegsaday xaflad aroos halkaasoo rayid ku dhamaadeen.

  • Afrika

    01-07-2024

  • 02:08AM

Maldives: Wasiir loo xiray inuu sixray madaxwayne

Waxaa xusid mudan in dowladda Maldives aysan weli war rasmi ah ka soo saarin xaaladdan.

  • Afrika

    29-06-2024

  • 03:56AM