Itoobiya: Waa been in askar Soomaali ah ka dirireen Tigray

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Xukuumada Abiy Axmad ayaa beenisay in ciidamo Soomaali ah ay ka dhinac dagaalameen kuwa Federaalka Itoobiya xiligii uu dagaalka xoogan ka socdey gobolka waqoyga dhaca ee Tigray.

Madaxa guddiga arimaha dibada Barlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa Jan.18 ka dalbadey Madaxweyne Maxamad Cabdulahi Farmaajo inuu baaritaan ku sameeyo cabashada ka timid Waalidiinta askartaan kuwaas oo sheegey in wiilashooda la aqoon meel ay jaan iyo cirib dhigeen kadib markii la wariyey iney ka qayb qaateen dagaalkii ciidamada Itoobiya la galeen jabhada Tigreyga.

In dagaalkaan loo isticmaalo ciidamo Soomaali ah waxay cadeyn u tahay in dagaalkii Tigray kaas oo dowlada Itoobiya sheegtey inuu ahaa mid arimaheeda gudaha ah uu noqdey mid dowladaha gobolku ku lug yeeshaan.

Hogaamiyeyaasha Tigray ayaa horey u shaaciyey in ciidamada Eritrea qayb ka noqdeen colaadaas taas oo sababtey in dowladda Mareykanka ka dalbatey hogaanka kaligii-taliska ah ee Asmara laga codsado inuu ka baxo ku-lug-yeelashada Dirirtaas.

"Waxaan aragney warar sheegaya in ciidamo Eritreanah u soo talaabeen xuduudka Itoobiya," afhayeen u hadlay Wasiirka arimaha dibada Itoobiya Dina Mufti ayaa sidaas sheegey. "Waxaan kale oo aan maqleynaa wararka kale oo xusaya in ciidamo Soomaali ah ay iyaguna qayb ka ahaayeen isla ololahaan. Labadaan arimood waa kuwa been ah islamarkaana aan xaqiiq ku fadhin".

Xiriir goboleedka

Hadii ay dhab noqoto ku lug lahaanshaha ciidamo Soomaali ah dagaalka Tigray, sidda uu aaminsan yahay falanqeeye arrimaha Soomaaliya, waxaa saldhig u ah heshiiskii sadex geesodka ahaa oo ay sanadkii 2018 kala saxiixdeen madaxda sadexda dal ee Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya kaas oo lagu sheegey in ujeedkiisu ahaa xoojinta amniga iyo dhaqaalaha.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cusmaan Dubbe oo horey ula hadlay warbaahinta ku hadasha afka dowladda, ayaa ku adkeystay in ay been tahay arrintan ayna ka dambeeyaan siyaasiyiin dano ka leh doorashada.

Midowga Musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya oo gaashaanka u daruuray sheegashada dowladda ee ah la siyaasadeynayo askarta maqan ayaa ku tartarsiiyey madaxweyne Farmaajo in uu dadweynaha la hadlo.

Waalidiinta ayay cod dheer ugu booriyeen in ay u midoobaan sidii ay dowladda ugu cadaadin lahaayeen in ay ka qanciso wiilashooda ku dhowaad sanadka ka maqan.

Bishii November 4-teeda sanadkii lasoo dhaafay 2020 ayuu qarxay dagaalka dowladda federaalka Itoobiya iyo Jabhada Xorreynta Tigray [TPLF], waxaana uu ahaa natiijo ka dhalatay is-faham-waa dhanka siyaasadda ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo si rasmi ah ciidamadiisa ugala baxaya dalka Niger

Ilaa sannadkii hore, waxa Niger joogay in ka yar 1,000 askari oo Maraykan ah ayaa joogay dalkan ay xoogga ku qabsadeen milatariga.

  • Afrika

    20-04-2024

  • 05:54AM

General Francis Ogolla: Sooyaalka taliyaha geeriyoodey ee ciidanka Kenya

Jananka ayaa ku geeriyoodey shil diyaaradeed oo ka dhacay Waqooyi Galbeed ee waddanka Kenya.

  • Afrika

    19-04-2024

  • 03:56AM