Itoobiya oo dabcisay mowqifkeeda burinta midnimada Soomaaliya

Image
Abiy Ahmed ayaa heshiiskii badda ee uu Somaliland la galay ku macneeyay mid salka ku haaya codsi.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo maanta la hadlay Baarlamaanka dalkiisa ayaa sheegay in dowladdiisu aysan su'aal galinaynin midnimada Soomaaliya, isaga oo caddeeyay in aysan diyaar u ahayn kala-qeybinta dalka Soomaaliya.

Abiy Ahmed ayaa heshiiskii badda ee uu Somaliland la galay ku macneeyay mid salka ku haaya codsi ay ku doonayaan in si sharci ah loogu ogolaado gaaritaanka badda.

Sida laga soo xigtay warbaahinta Addis Standard oo soo tarjuntay khudbadda Abiy waxaa uu yiri "codsigan [gaarista badda] waxa aan u gudbinay dhammaan dalalka deriska nala ah, mana helin wax jawaab ah. Waan tuugtannay waana dalbanay. Taas macnaheeda ma ahan in aan shaki gelinayno midnimada Soomaaliya".

Hadalkan ayaa u eg mid aad uga luuqad duwan kuwii hore looga bartay Abiy iyo mas'uuliyiinta kale ee Itoobiya oo hore u sheegay in ay aqoonsan doonaan Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xubno Daacish oo ku tababartay Soomaaliya oo Itoobiya qabatay iyagoo Qorsheynayeen Weerarro Argagixiso 

Warbixinta sirdoonka Itoobiya ayaa muujisay in la tuhunsan yahay in eedeysanayaasha ay tababar milatari ku qaateen Puntland.

  • Afrika

    17-07-2025

  • 05:13AM

Madaxweynaha Koonfur Afrika oo Shaqada ka Joojiyay Wasiirka Booliska kadib Eedeymo culus

Waxaa la filayaa in baaritaanka guddiga uu saameyn ballaaran ku yeelan doono kalsoonida dadweynaha ee hay’adaha amniga iyo hufnaanta dowladda.

  • Afrika

    14-07-2025

  • 12:16PM