Itoobiya oo ka jawaabtay eedeynta diyaaradda ku dhacday Bardaale

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Milatariga Itoobiya ayaa ka jawaabay wararka ku saabsan in ciidamadooda ku sugan Soomaaliya ay degaanada Koonfur Galbeed kusoo rideen diyaarad nooca xamuulka ah.

Diyaaradda oo sidday gargaar caafimaad kana duushay Muqdisho ayaa galabnimadii Isniinta ku dhacday nawaaxiga garoonka diyaaradaha magaalada Bardaale oo ka tirsan gobolka Baay.

Illaa iyo haatan lama ogga sababta keentay in ay soo dhacdo diyaaradda. Hase ahaatee, warbaahinta ayaa farta ku fiiqday ciidanka Itoobiya.

Ciidamadan oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa saldhig ciidan ku leh nawaaxiga madaarka diyaaradaha.

Muuqaal lagu duubay Satellite-ka ayaa muujiyey in diyaarada ay walax ku dhacday iyaddoo shan daqiiqo u jirtay gegida cagodhigashada.

Gaashaanle Sarre, Mohamed Tessema, oo ah madaxa xiriirka warbaahinta ee ciidamada Itoobiya, ayaa ku adkeystay "ma maqlin akhbaar ku saabsan in diyaarad u rarneyd NGO oo ay rideen askarteena".

"Halkaan waa xarunta dhexe, waa in aad la xiriirtaan sarkaalka ku sugan qeybta," ayuu hadalkiisa ku daray markii wax laga waydiiyey.

Lix ruux oo laba kamid ah ay yihiin Soomaali inta kale ay ajaaniib yihiin ayaa la xaqiijiyey in ay ku nafwaayeen shilkaas oo baaris lagu bilaabay.

Koonfur Galbeed ayaa balanqaadey in ay soo bandhigi doonto macluumaadka kasoo baxa baaritaanka. Dhanka kale, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa nan wali wax war ah kasoo saarin dhacdadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM