Itoobiya oo mowqif cad ka qaadatay hardanka Jabuuti iyo Kenya ee UN-ka

Image

NAIROBI, Kenya – Itoobiya ayaa shaacisay mowqifkeeda ku aadan Jabuuti iyo Kenya oo ku loolamaya kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka Qaramadda Midoobay.

Meles Alem, danjiraha Itoobiya u fadhiya Kenya, ayaa tilmaamay in dalkiisu mar walba "qaato go'aan ku saleysan mabaadi".

Alem oo wareysi siiyey wargeyska The Star ayaa wuxuu caddeeyay in ay dhexdhexaad ka noqonayaan qaddiyadaan.

“Itoobiya way ku baraarug-san-tahay loolanka Kenya [iyo Jabuuti] ee kursiga Golaha Ammaanka," ayuu ku bilaabay hadalkiisa.

Wuxuu ku daray: "Dalkeenu wuxuu mar walba qaadan jiray go’aano ku salaysan mabaadi', mowqfika Itoobiya waa kan Midowga Afrika".

Ururka Midowga Afrika ayaa bishii August ee sanadkan cod wadar ogol ah ugu coddeeyay in Kenya ay noqoto murashaxa qaaradda.

Balse, Jabuuti oo ku adkeystay in iyaddu tahay murashaxa saxda ah ayaa waxay rajeyneysaa in ay taageero ka hesho coddeynta Golaha Guud ee UN-ka.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay mar sii horeysay ku dhawaaqday "in ay garab istaagsan tahay" murashaxnimadda Jabuuti.

Doorashadda golaha guud ee labadda dal – Jabuuti iyo Kenya – ay ku kala bixi doonan ayaa waxay qabsoomeysaa bisha June ee sanadka soo aadan 2020.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya — 3 Oktoobar 2026

Warbixin AFP ah ayaa sheegaysa in hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada TPLF…

  • Afrika

    03-10-2026

  • 12:00PM