Itoobiya oo si adag uga carootay talaabo Mareykanka qaadey

Image
Xukuumadda Addis Ababa ayaa ficilkan waxay ka sameysay mudaaharaad diblumaasi.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Dina Mufti, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, ayaa Mareykanka iyo dalalka kale ku casuumay inay ka shaqeeyaan xiriirkooda diblomaasiyadeed ee Itoobiya.

Mufti, oo ka hadlaya shir jaraa'id ee labadii asbuuc mar uu qabto, ayaa soo hadal qaaday booqashadii uu dhawaan dalka Kenya ku tagay xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken.

Sidoo kale, wuxuu dib-u-xasuustey wadahadaladii Blinken ee ahaa in uu arrimo muhiim u ah gobolka oo ay ku jiraan xaaladaha labada Itoobiya iyo Soomaaliya kala hadlay Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

"Intii aan arrimaha Itoobiya khuseeya u gudbin lahayn cid saddexaad, waxaanu ku casumaynaa Maraykanka iyo dalalka kale inay nala soo sameeyaan xiriir toos ah," ayuu hoosta ka xariiqay.

Xukuumadda Washington iyo qaar kamid ah wadamadda reer Galbeedka ayaa ka niyad-jabay siyaasadda maamulka Abiy Axmed ee horseeday colaadda ka ololeysa gobolka waqoyga dhaca ee Tigray.

Talaabadda uu Blinken ugala hadlay Kenyatta xaaladda Itoobiya ayaa loo arkay fariin la xiriirta in Mareykanka uu taagan yahay xaalad quus ah marka ay timaado hogaanka sarre ee dalkan aan badda lahayn.

Dowladda Soomaaliya ayaa wali ka hadlin aragtideeda ku saabsan talaabadda Mareykanka uu xaaladda Soomaaliya u hor-dhigay Kenya oo xiriir liita uu kala dhaxeeyo maamulka waqtigu ka dhacay ee Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM