Itoobiya oo si adag uga carootay talaabo Mareykanka qaadey

Image
Xukuumadda Addis Ababa ayaa ficilkan waxay ka sameysay mudaaharaad diblumaasi.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Dina Mufti, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, ayaa Mareykanka iyo dalalka kale ku casuumay inay ka shaqeeyaan xiriirkooda diblomaasiyadeed ee Itoobiya.

Mufti, oo ka hadlaya shir jaraa'id ee labadii asbuuc mar uu qabto, ayaa soo hadal qaaday booqashadii uu dhawaan dalka Kenya ku tagay xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken.

Sidoo kale, wuxuu dib-u-xasuustey wadahadaladii Blinken ee ahaa in uu arrimo muhiim u ah gobolka oo ay ku jiraan xaaladaha labada Itoobiya iyo Soomaaliya kala hadlay Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

"Intii aan arrimaha Itoobiya khuseeya u gudbin lahayn cid saddexaad, waxaanu ku casumaynaa Maraykanka iyo dalalka kale inay nala soo sameeyaan xiriir toos ah," ayuu hoosta ka xariiqay.

Xukuumadda Washington iyo qaar kamid ah wadamadda reer Galbeedka ayaa ka niyad-jabay siyaasadda maamulka Abiy Axmed ee horseeday colaadda ka ololeysa gobolka waqoyga dhaca ee Tigray.

Talaabadda uu Blinken ugala hadlay Kenyatta xaaladda Itoobiya ayaa loo arkay fariin la xiriirta in Mareykanka uu taagan yahay xaalad quus ah marka ay timaado hogaanka sarre ee dalkan aan badda lahayn.

Dowladda Soomaaliya ayaa wali ka hadlin aragtideeda ku saabsan talaabadda Mareykanka uu xaaladda Soomaaliya u hor-dhigay Kenya oo xiriir liita uu kala dhaxeeyo maamulka waqtigu ka dhacay ee Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM