Itoobiya oo war cusub kasoo saartey biyo-xireenka Nile

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka dhigtay in shaqadda biyo-xireenka muranka dhaliyey ee webiga Nile ay ku socoto sidii horey loo qorsheeyay xilli ay jirto diidmo ka imaaneysa Masar iyo Suudaan.

Dr Seleshi Bekele, wasiirka Biyaha, Waraabka iyo Tamarta Itoobiya, ayaa ku nuux-nuux-saday in xukuumadda Addis Ababa ay ka go’an tahay in ay sii wado, wallow uusan soo hadal-qaadin dedaaladda lagu xalinayo muranka jira.

Hadalka wasiirka ayaa kusoo hagaagay xilli Sabtidii shalay ahayd uu goobta ay shaqada ka socoto uu kula kulmay qandaraasleyda, lataliyeyaasha, guddiga maamulaya mashruucan iyo howlwadeenaddan mashruuca.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayuu wasiirka ku shaaciyey in horumar badan ay ka sameeyeen geedi u socodka dhismaha.

Inkasta oo uusan soo bandhigin tirokoob sax ah, Dr Seleshi ayaa rumeysan in taageerada Itoobiyaanka gudaha iyo dibada jooga ay u hayaan biyo-xireenka ay gaartay meeshii ugu sareysay rajeeyeyna in ay sii laba-jibaaranto.

"Tamartan saafiga ah waxay baraaqo u horseedi doontaa Itoobiya iyo qaaradda Afrika," ayay warbaahinta dowladda Itoobiya kasoo xigatay wasiirka.

Masar iyo Suudaan ayaa kasoo horjeeda biyo-xireenka sababo ku aadan ayaga oo ka cabsi qaba in uu hoos-u-dhigi karo saamigooda biyaha webiga kaasoo kamid ah waxyaabaha ay ku tiirsan yihiin beeraleyda labaddan waddan.

Itoobiya oo walaacaas ka jawaabtay ayaa ku adkeystay in biyo-xireenka uusan saameyn doonin saamiga biyaha labada dal. Dedaalada lagu qaboojinayo xiisadan laga cabsi qabo in dagaal isku bedeasho waxay gaartey heer caalami.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweenay Itoobiyaan ah oo 12 sano sugaysay ubad ayaa dhashay shan mataano ah

Bedriya ayaa sheegtay inay farxad weyn dareemayso kadib sannado badan oo ay la daalaa dhacaysay sugitaanka ubad.

  • Afrika

    08-05-2026

  • 07:15PM

Madaxweyne Salva Kiir oo Eryay Taliyihii Ciidanka iyo Wasiirkii Maaliyadda

Dalkan oo ah midka ugu da'da yar Afrika, ayaa tan iyo iyo markii ka go'ay Sudan wuxuu lugaha kula jiraa dagaalo.

  • Afrika

    07-05-2026

  • 08:29PM