Itoobiya oo xirtey saraakiil sare kana tirsan TPLF

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Taliska ciidamadda difaaca Itoobiya ayaa Sabtida maanta ah wuxuu daaha ka rogay in uu xabsi u taxaabay sagaal xubnood oo ka tirsan xoogaga TPLF ee ka talin-jiray gobolka Tigray, sidda ay ku warantay warbaahinta ku hadasha afka dowladda Itoobiya.

Tesfaye Aylew, madaxa waaxda horumarinta ee ciidanka Itoobiya, ayaa saxaafadda u sheegay in afar kamid ah xubnahaas lagu qabtay howlgal wadajir ah oo ciidamaddu ka sameeyeen qaybo kamida gobolka.

Sidda laga soo xigtay sarkaalkan ay soo xigatay warbaahinta dowladda Itoobiya, dadweynaha ayaa ka qeyb-qaatay howlgalkaas culus.
Sagaalka xubnood ee ka tirsanaa TPLF ee lasoo xiray ayuu magacyadooda ku kala sheegay sidda soo socota;

1) Teklewoini Assefa, madaxii ahaa ee Waaxda Gargaarka TPLF

2) Dr Solomon Kidane, madaxii hore ee horumarinta magaalooyinka Tigray iyo xafiisyada gaadiidka ee Addis Ababa

3) Gebremedhin Tewolde, madaxii hore ee xafiiska ganacsiga Tigray

4) Woldegiorgis Desta, madaxii hore ee xafiiska gaadiidka Tigray

5) Ambassador Abadi Zemo, safiirkii hore ee Itoobiya ee Suudaan oo ku biiray qaybta siyaasada ee kooxda TPLF

6) Kidusan Nega, afhayeenkii hore ee Golaha Dawlad Deegaanka Tigray

7) Tedros Hagos, madaxweynihii hore ee Akaadamiyada Meles Leadership and Head of EFFORT Board

8) Mihret Teklay, lataliyihii hore ee arrimaha sharciga ismaamulka Tigray

9) Berhane Adem Mohammed, mulkiilaha hanti-ma-guurto ah

Jeneraal Tesfaye ayaa soo bandhigay magacyadda xubno kale oo ka tirsan TPLF kuwaas oo uu tilmaamay in lagu dilay howlgalkaas gaarka ah.

1) Sekoture Getachew, afhayeenkii TPLF

2) Zeray Asgedom, maareeyihii hore ee ETV iyo Agaasimaha Guud ee Hay'ada Warbaahinta Itoobiya (EBA)

3) Abebe Asgedom, madaxii Dimtse Weyane

4) Daniel Assefa, madaxii hore ee xafiiska dhaqaalaha ee Tigray

Xukuumadda Abiy Axmed ayaa dhamaadka sanadkii hore 2018 waxay weerar ku qaadey ismaamulka Tigray ka gedaal markii maamulkaas uu kasoo horjeestay baaqjinta doorashada. Howlgalkaas wuxuu sababay waxyeelo dhimasho iyo dhaawac si lamid ah barakac aad u baahsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Itoobiya oo ku sii siqaya xuduuda Eritrea, iyadoo laga cabsi qabo dagaal cusub

Asmara ayaa sheegtay in eedeymaha Addis Ababa ee ku saabsan duullaanka ciidamada Eritrea ay u dhigmaan “ku dhawaaqid dagaal”.

  • Afrika

    14-10-2026

  • 06:08AM

Madaxweynihii hore ee Congo Kabila oo sameystay isbahaysi cusub oo beddelaya M23

Isbahaysigan ayaa Isniintii lagu dhawaaqay magaalada Goma ee bariga Congo, oo ay kooxda M23 gacanta ku dhigtay bishii Janaayo 2025.

  • Afrika

    13-10-2026

  • 07:45AM