Itoobiya: Soomaali kamid noqotay dad lagu dilay weerar lagu qaadey bas

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Labo qof oo Soomaali ah ayaa la dilay, tiro kalena waa lagu dhaawacay kaddib markii dabley hubeysan ay weerar ku qaadeen bas marayay magaalada Awash ee ismaamulka Canfarta ee bariga dalka Itoobiya Axaddii shalay.

Baska ayaa waxaa la socday rakaab ay ku jiraan 7 qof oo Soomaali ah oo ka soo jeeda Ismaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya, waxayna ku sii jeedeen magaalada Addis Ababa markii uu weerarku dhacay, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.

Labada nin ee la dilay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Khadar Cilmi Cige iyo Mawliid Maxamed Cabdi, iyadoo dhowr kale oo ay ku jiraan Ismaaciil Muxamed Muusa, Sayid Muxamed Muuse iyo Cali Xuseen Jaamac la dhaawacay. Qaar ka mid ah dadka la dilay ayaa ahaa dad caan ka ah ganacsiga deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Saraakiisha deegaanka ayaa ku eedeeyay kooxo hubaysan oo ka soo jeeda gobolka Canfarta in ay ka dambeeyeen dilka shacabka Soomaaliyeed, inkastoo aan si madax banaan loo xaqiijin sheegashadaasi.

Dadka Soomaalida ah ee ka safraya Jigjiga kuna sii jeeda Addis Ababa ayaa lagula talinayaa in ay isticmaalaan hawada, iyadoo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ay sii kordhayaan iska hor imaadyada xadka ee u dhaxeeya Canfarta iyo Soomaalida Itoobiya, iyadoo aysan jirin wax wada hadal ah oo lagu xalinayo colaadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xubno Daacish oo ku tababartay Soomaaliya oo Itoobiya qabatay iyagoo Qorsheynayeen Weerarro Argagixiso 

Warbixinta sirdoonka Itoobiya ayaa muujisay in la tuhunsan yahay in eedeysanayaasha ay tababar milatari ku qaateen Puntland.

  • Afrika

    17-07-2025

  • 05:13AM

Madaxweynaha Koonfur Afrika oo Shaqada ka Joojiyay Wasiirka Booliska kadib Eedeymo culus

Waxaa la filayaa in baaritaanka guddiga uu saameyn ballaaran ku yeelan doono kalsoonida dadweynaha ee hay’adaha amniga iyo hufnaanta dowladda.

  • Afrika

    14-07-2025

  • 12:16PM