Itoobiya: Soomaali kamid noqotay dad lagu dilay weerar lagu qaadey bas

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Labo qof oo Soomaali ah ayaa la dilay, tiro kalena waa lagu dhaawacay kaddib markii dabley hubeysan ay weerar ku qaadeen bas marayay magaalada Awash ee ismaamulka Canfarta ee bariga dalka Itoobiya Axaddii shalay.

Baska ayaa waxaa la socday rakaab ay ku jiraan 7 qof oo Soomaali ah oo ka soo jeeda Ismaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya, waxayna ku sii jeedeen magaalada Addis Ababa markii uu weerarku dhacay, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.

Labada nin ee la dilay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Khadar Cilmi Cige iyo Mawliid Maxamed Cabdi, iyadoo dhowr kale oo ay ku jiraan Ismaaciil Muxamed Muusa, Sayid Muxamed Muuse iyo Cali Xuseen Jaamac la dhaawacay. Qaar ka mid ah dadka la dilay ayaa ahaa dad caan ka ah ganacsiga deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Saraakiisha deegaanka ayaa ku eedeeyay kooxo hubaysan oo ka soo jeeda gobolka Canfarta in ay ka dambeeyeen dilka shacabka Soomaaliyeed, inkastoo aan si madax banaan loo xaqiijin sheegashadaasi.

Dadka Soomaalida ah ee ka safraya Jigjiga kuna sii jeeda Addis Ababa ayaa lagula talinayaa in ay isticmaalaan hawada, iyadoo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ay sii kordhayaan iska hor imaadyada xadka ee u dhaxeeya Canfarta iyo Soomaalida Itoobiya, iyadoo aysan jirin wax wada hadal ah oo lagu xalinayo colaadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Itoobiya oo ku sii siqaya xuduuda Eritrea, iyadoo laga cabsi qabo dagaal cusub

Asmara ayaa sheegtay in eedeymaha Addis Ababa ee ku saabsan duullaanka ciidamada Eritrea ay u dhigmaan “ku dhawaaqid dagaal”.

  • Afrika

    14-10-2026

  • 06:08AM

Madaxweynihii hore ee Congo Kabila oo sameystay isbahaysi cusub oo beddelaya M23

Isbahaysigan ayaa Isniintii lagu dhawaaqay magaalada Goma ee bariga Congo, oo ay kooxda M23 gacanta ku dhigtay bishii Janaayo 2025.

  • Afrika

    13-10-2026

  • 07:45AM