Itoobiya: Soomaali kasoo muuqdey liiska 8 ruux oo laga helay Covid-19

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Wasaaradda Caafimaadka dalka Itoobiya ayaa Talaadada maanta ah waxay ku dhawaaqdey sideed kiis cusub oo fayruska Corona ah. Tani waxay tiradda guud ka dhigeysaa 82.

Sidda lagu sheegay war-saxaafadeedka oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online, bukaanada cusub waxaa kamid ah qof Soomaali ah, wallow aan lasoo bandhigin magaciisa.

Warar aan la xaqiijin ayaa tilmaamaya in ruuxaan uu kasoo jeedo degaanada maamul goboleedka Somaliland.

Warbixinadda ayaa intaas ku daraya in shaqsigaas oo 37-sano jir ah ka yimid boqortooyadda Ingiriiska oo kamid ah wadamadda uu sidda xoogan uu u saameeyay caabuqaas dilaaga h.

Inta illaa iyo haatan, la og-yahay wuxuu noqonayaa ruuxii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo Itoobiya ay ku dhawaaqdo in uu soo ritay xanuunkaas safmareenka ah, aadna halis u ah.

Britain ayaa si lamid ah wuxuu safka hore kaga jiraa dalalka reer Galbeedka ee Soomaalida ugu badan ay ugu dhimatay Covid-19. Ra'iisul wasaarihii hore ee dalka, Nuur Cadde ayaa kamid ah.

Tan iyo markii uu bishii December sanadkii hore 2019 uu ka dilaacay magaalada Wuhan ee bartamaha Shiinaha, Corona ayaa galaaftay in ka badan 100-kun oo ruux, dad ka badan 1.8 milyan wuu haleelay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM