Jabuuti oo difaacdey warbixinta guddiga IGAD

Image

DJABUURI, Djibouti - Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa si adag waxay u difaacdey warbixinta guddiga xaqiiqo raadinta urur goboleedka IGAD u saarey xalinta xiisada diblumaasiyadeed ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

War-saxaafadeed kasoo baxay arrimaha dibadda Jabuuti ayaa lagu sheegay in guddiga uu warbixintiisa ku saleeyay dhexdhexaadnimo iyo si ay ku jirto xirfad-yaqaanimo.

"Jabuuti waxay kaliya u dhaqaaqdey hal hadaf oo cad kaasoo ah in ay ka caawiso labada waddan ee walaalaha ah in ay hoos u dhigaan xiisadda," ayaa lagu yiri qoraalkan uu arkay Garowe Online.

Qoraalka oo ku taariikheysan 28-ka Janaayo laguna caddeeyay warbixinta loo gudbiyey shir-gudoonka Golaha guud ee IGAD oo ah Sudan ayaa la raaciyey: "Jabuuti waxay raacdey qaab aan dhinac u jaranjeerin".

Dhawaqa Jabuuti ayaa kusoo hagaagaya xilli dowladda Soomaaliya ay shalay ku eedeysay Jabuuti in ay kala safatay Kenya isla markaana warbixinta ay kasoo saartay xuduudka aysan dhexdhexaadnimo ku saleyn.

Cismaan Abuukar Dubbe, wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa dalbadey in warbixinta laga noqdo lagana bixiyo raaligelin "hadii kale ay waxyeeleyn doono xiriirka labada dal".

Dhanka kale, Kenya oo si weyn u soo dhaweysay warbixintaas ayaa xustey in ay caddeyn u tahay in eedeymaha ay Soomaaliya xiriirka ugu jartay Nairobi aysan waxba ka jirin isla markaana ku yimid dano gaar ah.

Hoos ka akhriso qoraalka Jabuuti

Image

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM