Jabuuti oo sanad walba $54 milyan siineysa DP World

Image

LONDON - Maxkamad ku taalla London ayaa ku xukuntay dowladda Jabuuti inay siiso Shirkadda DP World kadib markii ay ka saartey Dekadda Doraleh, iyadoo aan heshiiska dhamaan.

Horaantii 2018 ayay dowladda Jabuuti iyo DP World is isku khilaafeen hanaanka maamulka dekadda, waxayna taasi keentay inay ku kala tagaan, oo la joojiyay qandaraaska.

DP World khasaaro maaliyadeed ayaa kasoo gaarey go’aanka Jabuuti, maadaama iyadoo aan heshiiska u dhamaan laga soo eryay dekadda, taasoo keentay inay dacwad u gubiso Maxkamadda London ku taalla.

Maxkamadda ayaa ku amartay Jabuuti inay sanad walba bixiso $54 milyan oo dollar, oo ay siinayso DP World, waxaana lacagta khasaaraha kasoo gaarey labo sano, 2018-2020 [$200,752, 000].

Heshiiska Jabuuti iyo DP World ayaa la saxiixay 2006, waxaana la filayay inuu dhaco 2020, halka iyadoo labo sano ka dhiman la joojiyay. DP World ayaa dagaal dhanka sharciga ah ula gashay Jabuuti, kaasoo muuqda inay ku guuleysatay.

DP World ayaa maalgelin ku sameysay dekadda Berbera kadib markii Jabuuti isku dhaceen, waxaana weli ay joogitaan ku leedahay Shirkaddan laga leeyahay Imaaraadka gobolka Geeska Afrika.

Dekadda Jabuuti ayaa ah mida ugu ballaaran gobolka, waxaana ku tiirsan Itoobiya oo wax kasoo degsata, waana isha dhaqaalaha ugu weyn dalkan yar, ee aan khayraadka badan lahayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM