Juma: Ciidamada Kenya kama baxayaan Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya – Ciidamada Kenyaanka ee Soomaaliya ku jooga magaca howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaan dalkooda dib ugu laaban doonin illaa qadiyada laga wadahadalo qaraarna ku ansixiyo Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, sidda ay sheegtay Wasiirka Difaaca waddanka Kenya, Monica Juma.

Juma oo Talaadadii daaha ka rogtay in Kenya aysan go'aamin karin bixitaanka askartaas nabad-ilaalinta ah ayaa hoosta ka xariiqdey in howlgaladda AMISOM aysan khuseyn xiriirada labada geesoodka wadamada ay kasoo kala jeedaan.

"Bixitaanka wuxuu ku imaan karaa amarka Midowga Afrika. Ma nihin kuwa go'aamin kara in ay joogaan ama baxaan iyo waqtiga," ayay Juma u sheegtay wariyeyaasha xilli ay ka hadleysay Xerada Tababarka UK ee waddanka Kenya.

Socdaalka xerada waxaa ku wehliyey xoghayaha gaashaandhiga Mareykanka, Ben Wallace, kaas oo socdaal ku maraya wadamada Afrika oo Soomaaliya ku jirto.

Wallace iyo Juma ayaa taageero u muujiyey ciidamadda Kenyaanka ee Soomaaliya u jooga la dagaalanka maleyshiyadda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacidda.

Ciidamadda Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa tiradooda waxaa lagu qiyaasaa ku dhowaad saddex kun, waxaana badankooda ay ku sugan yihiin gobolada Jubooyinka oo xuduud uu la leh waddankooda.

Dowladda Soomaaliya ee haatan jirta ayaa la fahansan yahay in xiriirka aan fiicneyn ee kala dhaxeeya Kenya awadeed ay daaha gedaashiisa ka wado cadaadis dalka looga saarayo ciidamada dalkaas ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM, wallow aysan gaari karin go’aanka ugu dambeeya ee bixitaanka askartaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM