Kenya: Dad loo xiray weerar lala xiriiriyey Al-Shabaab

Image
Weerarkan arxan darrada ah ayaa ka dhacay gobolka xeebta ah ee soohdinta la leh Soomaaliya.

NARIOBI, Kenya - Booliiska Kenya ayaa Talaadadii sheegay inay afar qof ku xireen weerar arxan darro ah oo ka dhacay gobolka xeebta ah ee soohdinta la leh Soomaaliya kaasoo sababay dhimashada lix qof iyo gubida guryo.

Hal nin ayaa qoorta laga gooyay shanna waa la toogtay ama waa la gubay kadib weerar lagu qaaday tuulo ku taal gobolka Lamu oo billowday galabnimadii Axadda.

Gobolka Lamu ayaa waxaa ka dhacay weerarro xooggan oo Al-shabaab ay ku qaadeen, waxaana maamulka degmadaas ay markii hore ku tuhmayeen inay weerarkaas ka dambeeyeen xoogag ka tirsan maleyshiyaddan Soomaaliya fadhigoodu yahay, inkastoo aan la ogeyn ujeeddooyin kale.

Illaa haatan, ma jirto koox dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas, waxaana booliisku ay sheegeen in baaritaannada ilaa hadda ay muujinayaan in muran dhul uu jiro.

Lamu, oo ay ku jirto xeebta caanka ah ee loo dalxiis tago ee Jaziiradda Lamu, ayaa ku dhow xuduudka Soomaaliya, waxaana Al-Shabaab ay weerarro xad dhaaf ah ka geysatay gobolka xeebta.

Bishii Janaayo 2020, Maleeshiyada xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa weerar ku qaaday saldhig ciidamada Mareykanka ku leeyihiin Lamu, halkaasoo ay ku burburiyeen dhowr diyaaradood, kuna dileen saddex Mareykan ah.

Al-Shabaab ayaa Kenya u bartilmaameedsatay si ay uga aargutaan ciidamada Nayroobi u soo dirtay Soomaaliya sanadkii 2011-kii, si ay qeyb uga noqdaan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM si ay halkaasi uga saaraan mitidiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM