Kenya iyo Jabuuti oo qarka u saaran in ay waayaan gudoonka IGAD

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Shirka golaha wasiiradda urur goboleedka IGAD ayaa si rasmi ah wuxuu uga furmay Addis Ababa, caasimadda dalka Itoobiya.

Ajendaha ugu weyn ee kulanka ayaa wuxuu yahay in lagu go’aamiyo gudoomiyaha cusub ee ururkan oo loolan adag uu ka taagan yahay.

Sidda laga soo xigtay warbaahinta maxaliga ah, Kenya iyo Jabuuti oo ah labadda dal ee ugu cad-cad waxay qarka u saaran yihiin in ay waayaan.

Soomaaliya oo tartameyaasha ku jirtay ayaa sidoo kale waxaa la aaminsan yahay in aysan fursad u haysan in ay hesho xilkaas.

Diblumaasi sarre oo la hadlay wargeyska Daily Nation ayaa tibaaxay in la isla qaatay in wadamo kale loo dhiibo xilka gudoomiyaha IGAD.

"Kursiga waxaa hanan kara midkood Uganda ama Suudaan," ayuu yiri mas'uulka oo magaciisa aanan lagu soo bandhigin magaca.

Labadan dal midkood ayaa ku imaan doona qaab tanaasulaad ahaan ah, sidda ku xusan warbixinta coksaneysa si looga fogaado khilaaf horleh.

Xukuumadda Muqdisho ayaa horey u taageertay Jabuuti maadaama xurguf diblumaasiyadeed ay kala dhaxeyso dhigeeda Nairobi.

IGAD oo la aas-aasay 1996-dii ayaa arrimaha ugu badan ee uu ka shaqeeyo waxay la xiriirtaa wax ka qabashadda cabaqadaha gobolka ka jira.

Gudoomiyaha cusub ayaa bedeli doona Abiy Axmed, ra’iisul wasaaraha Itoobiya, kaasoo xilkaan hayey tan iyo bishii April ee sanadkii 2018-kii.

Itoobiya oo sanadihii u dambeeyay gacanta sarre ku lahayd xilkaan ayaa waxay heshay xilka xoghayaha fulinta IGAD oo uu noqday Workneh Gebeyehu.

Gebeyehu, oo magacaabidiisa ay xiisad abuurtay ayaa horey u soo ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya iyo madaxa xafiiska UN-ka ee magaaladda Nairobi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM