Mas'uuliyiin isu-af-dhaafay joogitaanka Al-Shabaab

Image

NAIROBI, Kenya – Barasaabka Mandheera Ali Roba ayaa ku eedeeyay laamaha amaanka ee gobolka inay ka muuqato habacsanaan, "taasi oo horseeday sarre-u-kac amaan daro oo kusoo badaneysa gobolka".

Sidda laga soo xigtay Roba, maleeshiyada Al Shabaab "waxay sii wadeen inay ka faa'iidaystaan habacaas iyagoo fulinaya weerarada ay doonaan".

Sikastaba, saraakiisha amaanka ayaa sheegaya in arintaasi aysan sax aheyn maadaama la soo saaray talaabooyin looga hortagayo falalka argagixisada.

In kasta oo horumar laga sameeyey sannadihii la soo dhaafay xagga la dagaallanka khatarta Al Shabaab ee gobolka woqooyi-bari ee Kenya, Roba waxaa walaac ku beeray weeraro is-xig-xigay oo maleyshiyada ka fulisay gobolkan xuduudka la leh Soomaaliya labadii bilood ee lasoo dhaafay.

"In ka badan 50% waddooyinka gobolkaan waxaa gacanta ku haya Al Shabaab… ilaa iyo markii aan warbixintan sameeyay, waxaan nasoo maray afar weeraro argagixiso," ayuu yiri gudoomiyaha.

Bishii Janaayo 11-keedii ee sannadkan, dad la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin maleeshiyada Al Shabaab ayaa rasaaseeyay bas ku sii jeeday magaalada Mandheera kaasoo marayey degaanka Banisa oo 200 KM u jira xadka Kenya iyo Soomaaliya.

Maalin kadib, maleeshiyada Al Shabaab ayaa burburiyey anteenada isgaarsiinta ee Derkale. 14-ka bishaan, mar kale ayay isku dayeen, laakiin way ku guuldareysteen maadaama waana laga qabtay iyaga oo isku dayaya inay baabi'iyaan anteenadda isgaarsiinta ee Dikuro.

Weeraradan ayaa imanaya bil kadib dhacdooyin la mid ah oo ay ku jiraan; xarun cusub oo booliis ah oo la burburiyey iyo sarkaal ciidan oo lagu diley tuulada Guticha, anteeno isgaarsiineed oo ku taala aaga Elele oo la burburiyey, iyo sidoo kale weerar lagu qaaday ambalaas oo uu ku naf-waayey hal qof saddex kalana ay dhaawacyo kasoo gaareen.

"Al Shabaab waxay gudaheena ka heysataa fursad aan la xakameyn karin… Maxaa khalad ah oo aan sameynaynaa annaga oo haysana dhamaan ciidamadeena? Waan helay wax kasta oo taageero ah, balse waxaa wali maareyn la'nahay khatarta ka imaaneysa argagixisada, ”ayuu raaciyay gudoomiye Roba.

Hase yeeshe, Taliyaha booliska Gobolka Mandheera, Onesmus Kytha, ayaa yiri: "Dhowr kiis oo go'doon ah oo ay dawladu u dejisay habab ay wax kaga qabato, waxa kaliya ee aan u baahanahay waa xubnaha bulshada inay na taageeraan, sababtoo ah dadkan qaar ka mid ah oo galaya dambiyada waa wiilasheena".

Sida lagu sheegay war saxaafadeed uu soo saaray taliyaha bileyska gobolka waqooyi bari, Nicodemus Musyoki Ndalana, "waa wax aad looga xumaado in gudoomiye Roba uu doorto inuu wax ka qabto dhibaatooyinka noocaas ah ee xasaasiga ah ee amniga qaranka khuseeya". Wuxuu intaa sii raaciyay "in ficilada hogaamiyaasha degmooyinku ay leeyihiin suurtagalnimada sare u qaadista xiisadaha iyo suurto galnimada in nolosha la geliyo khatar".

Gudoomiyaha Roba ayaa ku adkeysanaya, si kastaba ha noqotee, "Sideen u aamusaa anigoo og in aanan ka soo jiidan karin xirfadleyda gobolada kale in ay noo yimaadaan oo ay ka shaqeeyaan halkan; isbitaalada iyo iskuulada? 295 dugsi oo gobolka ku taala, 129 dugsi oo keliya ayaa furan".

Maadaama Roba uu ku adkeysanayo in kulankii ay la qaateen madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo madaxda amaanka ee gobolka si loogu ogolaado qorshaynta istiraatiijiyadeed ee amniga ay tahay mid soo daahday, saraakiisha amaanka ayaa doonaya in shacabka ay ku sii dulqaataan kuna wargeliyaan mas'uuliyiinta cidkasta oo laga shakiyo ama dhaqdhaqaaqooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo si weyn uga carootay hadal kasoo yeeray dowladda Suudaan

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa muujisay "sida ay uga xun tahay" hadalkaas.

  • Afrika

    15-11-2024

  • 07:45AM

In ka badan 50 qof oo lagu dilay duqeyn ka dhacdey gobolka Amxaarada

21 kale ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhaawacmeen, waxaana qaarkood xaaladooda ay halis tahay.

  • Afrika

    09-11-2024

  • 01:52PM