Kenya: Nuuradiin Yuusuf Xaaji oo sameeyay qiraal la yaab leh

Image
Waxyaabaha uu Nuuradiin sheegay waxaa ka mid ah in loola dhaqmay sidii qof aanan muwaadhin ahayn oo kale.

NAIROBI, Kneya - Nuuradiin ayaa wareysi uu siiyay wargeyska Standard caddadkiisii maanta soo baxay ku sheegay in lagu qasbay in uu dacwado been abuur ah kusoo oogo rag siyaasiyiin ah oo uu ka mid yahay madaxweyne ku xigeenka hadda xilka haya Rigathia Gashagua.

Nuuradiin ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay agaasimihii hore ee laanta dambi baarista Mr Kinoti oo shaqada ka fariistay markii Ruto xilka loo doortay, shaqadaas oo hadda loo dhiibay nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Mudane Maxamed Amiin.

Dacwad Oogaha oo hadda wajahaya baaqyo kala duwan oo ah in uu xilka iska casilo ayaa sheegay in uu ka gaashaantay cadaadiskii lagu hayay oo dhan, haddana uu dhammaan ka noqonayo dacwadihii been abuurka ahaa ee lagu haystay madaxweyne ku xigeenka iyo siyaasiyiin kale oo hadda soo galay Golaha wasiiradda Ruto.

Ka hor fadeexaddan, Nuuradiin ayaa ahaa shaqsi aad loo jecelyahay, loona arkay nin caddaalada u hiiliya, islamarkaasna dacwad ku oogay siyaasiyiin laga cabsan jirey.

Waxyaabaha uu Nuuradiin sheegay waxaa ka mid ah in loola dhaqmay sidii qof aanan muwaadhin ahayn oo kale , qolyaha dambi baaristana ay soo dhoodhoobeen kiisas been abuur ah, kuwaas oo badankood uu ka gaadhaantay sida uu sheegay.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM

Hemetti oo Taliyeyaasha RSF ku amray inay qaadaan weerarro kadib guuldarro kasoo gaartay dagaalka Sudan

RSF iyo ciidamada dowladda Suudaan ayaa tan iyo Abriil 2023 ku dagaallamayay loollan awoodda dalka ah.

  • Afrika

    28-07-2026

  • 08:16AM