Kenya oo amar kusoo rogtay Basaska kadib weerarkii Al-Shabaab

Image

NAIROBI, Kenya – Basaska ka howlgala degaanada hoostaga gobolka Waqooyi Barri ee Kenya ayaa lagu amray in ay gal-biyaan ciidamo boolis ah, sidda laga soo xigtay warbaahinta maxaliga ah.

Taliyaha booliska gobolka, Maxamed Biriq, ayaa sheegay in talaabadan ay salka ku hayso badbaadinta rakaabka.

Biriq ayaa carabka ku dhuftay in darawaladii aan u hogaan-sami amarkaan cusub ay xabsi u taxaabi doonan.

Go'aankan ayaa si gaar ah u quseeya Basaska adeegsada wadada isku xirta Garissa-Holugho, Garissa-Liboi iyo Garissa-Wajir.

Talaabo noocaan ah ayay Kenya horey u soo saartay, balse darawaladda qaarkood ma aysan dhaqan-gelin, waxaana taliye Biriq uu caddeeyay in lala xisaab-tami doono shaqsiyaadkaas.

"Waa ayaan darro in darawaladda qaarkood ay kasoo horjeesteen. Hase ahaatee, doorkan ma ogolaan doono in waxay doonan ay sameeyaan," ayuu Biriq yiri xili uu saxaafada kula hadlay Garissa.

Laba todobaad kahor ayay ahayd markii Al-Shabaab ay weerar jid-gal ah ku qaadey Bas ku socdaalayey wadada Kutulo-Wargadud, halkaasoo ay ku dishay sideed askari, laba macalin iyo dhakhtar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM