Kenya oo beenisay eedeyn kaga timid DF Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya – Dowladda Kenya ayaa gaashaanka ku dhufatay eedeynta kaga timid dhigeeda Soomaaliya ee la xiriirta in ay hubeyneyso jabhad uu hogaaminayo wasiirka ammaanka Jubaland, Cabdirashiid Janan.

Cyrus Oguna, afhayeenka xukuumadda Nairobi oo warfidiyeenka la hadlay Khamiista todobaadkii lasoo dhaafay, ayaa carabka ku dhuftay in sheegashooyinka Muqdisho aysan sal iyo baar lahayn.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in dagaalkii 25-kii Janaayo, 2020 ka dhacay magaaladda Beledxaawo ay ka dambeysay jabhadaas, balse Nairobi iyo Kismaayo way iska fogeeyeen eedaas.

Dhanka kale, Oguna ayaa carabka ku adkeeyay in dowladiisa aysan marnaba diyaar u ahayn in ay ka shaqeyso xasiloonida gobolka Geeska Afrika si lamid ahna aysan faragelin arrimaha gudaha Soomaaliya.

"Waan sii waddeynaa in aan u ololeyno nabada iyo xasiloonida gobolka. Waxaan ku baaqeynaa in la joojiyo xasilooni kasta oo ka jirta Soomaaliya si fursad ay u hesho nabadda," ayuu hadalkiisa ku daray afhayeenka.

Isku-dhacyadii Beledxaawo ayuu hoosta ka xariiqay in dowladiisa ay si dhow ula socoto, balse masoo bandhigin talaabooyinka uu qaadayo.

Dhawaqa Oguna ayaa yimid maalmo kadib markii guddiga xaqiiqo raadinta urur goboleedka IGAD u saarey xiisadda diblumaasiyadeed ee Muqdisho iyo Nairobi uu beeniyay eedaha ay Soomaaliya u jeedisay dhigeeda Kenya.

Guddiga ayaa tibaaxay in go’aanka gdowladda Soomaaliya ay xiriirka ugu jartay Kenya uu ku saleysan yahay "tabashooyin hore" ayna ka dhasheen dhibaatooyin saameeyay Soomaali gargaar ka doonatay dalka Kenya.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hor-timid warbixinta, waxaana ay ku qeexdey mid hal dhinac ah. Dhanka kale, Kenya way soo dhaweysay, halka Jabuuti ay difaacdey warbixinta kuna sifeysay mid dhexdhexaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM