Kenya oo beenisay in ay farageliso arrimaha Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya – Dowladda Kenya ayaa Talaadadii waxay ku gacan-seyrtay inay farageliso arrimaha gudaha ee Soomaaliya xilli Kal-fadhigii 978-aad ee Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika [AUPSC] looga doodey xaaladda Soomaaliya iyo waajibaadka Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya [AMISOM].

Safiirka xukuumadda Nairobi u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ee Itoobiya iyo Wakiilka Joogtada ah ee dalka u fadhiya Midowga Afrika oo ku sugan Addis Ababa Jean Kamau ayaa Kenya ku metelay shirka Golaha.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa ku murmay faragalin la sheegay in ay Nairobi ku sameyneyso gobolka Gedo, arintaas oo sababtay khilaaf diblumaasiyadeed oo Muqdisho xiriirkii diblomaasiyadeed ugu jirtay Nairobi.

Waaxda Arimaha Dibada ee Kenya ayaa iska fogeysay sheegashada faragalinta ee arimaha gudaha ee Soomaaliya kuna tilmaamtay "been iyo marin habaabin".

Joogitaanka ciidamada Kenya ee Soomaaliya "waa dhiirigelinta baahida loo qabo in la xoojiyo nabada gobolka iyo qaab dhismeedka amniga waxaana ogolaaday Golaha Ammaanka Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa iyo midowga afrika," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Waaxda arrimaha Dibada Kenya.

Dhanka kale, xukuumadda Nairobi ayaa sheegtay in ay soo dhaweyneyso geedi-u-socodka doorashooyinka Soomaaliya, waxaana ay tibaaxdey in ay muhiim u tahay xasiloonida waddanka dhaca Geeska qaaradda Afrika.

"Waxaan sii waddeynaa kaalinteena saxda ah ee aan ku leenahay wadamadda ay ciidamadda naga joogaan ee Soomaaliya," ayuu hoosta ka xariiqay.

Ugu dambeyntii, Kenya ayaa codsatay in golaha uu kaalin ku yeesho sidii looga hortagi lahaa isku-dayada lagu carqaladeynayo xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo wadamadda saaxiibadda la ah, waxaana ay si gaar ah uga digtay hoos-u-dhigada lagu sameynayo howlgalka Midowga Afrika ee AMSIOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM