Kenya oo biyo dhaamin u samaynaysa duur-joogta kadib dhimashada maroodi caan ahaa

Image

KENYA, (GO) - Wuxuu ahaa maroodiga ugu caansan qaaradda Afrika, magaciisu waa Dida, isaga oo sanad kasta kumanaan dalxiisayaal ah ay usoo daawasho tagi jireen, balse shalay ayu ku dhintey kayn ku taala dalka Kenya. Hadda dowladda Kenya waxa ay qaadaysaa tallaabooyin ay uga jawaabayso abaar galaafatay wax ka badan 100 maroodi oo uu kani ka mid yahay.

Waxa uu 60 kii sano ee lasoo dhaafay si weyn caan ugu ahaa in uu yahay kan foolasha ugu waaweyn ay ku yaalaan guud ahaan qaaradda xilli ugaadhsiga foolka maroodiga iyo wiyisha uu cirka isku shareeray.

Sida ay sheegeen saraakiisha duur-joogta dalka Kenya, Dida oo da’diisa lagu qiyaasay 65 sano, ayaa u dhintay sababo dabiici ah, mana jirin wax weerar ah oo loo gaystay.

Waxa uu ku dhintay kaynta Tsavo ee heerka qaran, halkaasi oo tobonaankii sano ee lasoo dhaafay uu kaga gudbay marxalado badan oo adag isaga iyo raxanta uu hormuudka ka ahaa.

Balse saraakiisha waxa ay sheegeen in sanadkan wax ka badan boqol maroodi ah ay u dhinteen abaarta daran ee ku dhufatay Bariga Afrika, taas oo la sheegay in ay dib u dhac weyn ku tahay horumarkii laga sameeyay xagga kobcinta tirada duur-joogta kadib markii in badan oo ka mid ah lagu guuleystay dagaalkii lagula jirey ugaadhsatada.

Wasiirka dalxiiska Kenya Marwo Paninah Malonza ayaa booqatay kaynta Tsavo kadib dhimashada maroodigan oo si weyn u taabatay dowladda Kenya oo dhaqaalo badan uu kasoo galo dhanka dalxiiska, waxayna sheegtay in dowladda ay qaadayso talaabooyin looga gaashaamanayo abaarta saamaysay duur-joogta.

Waxaa ka mid ah in dowladda biyo dhaamin u samayso duur-joogta abaaraha saameeyeen, iyo in loo dhiso meelo biyaha loogu shubo si ay uga cabbaan.

 GAROWE ONLINE 

Related Articles

Mareykanka oo masaafurinaya safiirka Koonfur Afrika ee Washington

Ebrahim Rasool ayaa hore u soo noqday safiirka Koonfur Afrika ee Mareykanka…

  • Afrika

    15-03-2025

  • 11:41AM

Ruushka oo tababar siinaya Ciidamada Badda Itoobiya

Himilada Itoobiya ee dhismaha ciidamo badeed iyo iskaashiga sii kordhaya ee milateriga ee Ruushka ayaa dhalisay walaac ka dhex jira dalalka gobolka.

  • Afrika

    14-03-2025

  • 06:21PM