Kenya oo dib u fureysa xadka ay la wadaagto Soomaaliya

Image
Talaabadaan ayaa timid kadib dalab ka yimid masuuliyiinta gobolka Woqooyi bari Kenya.

NAIROBI, Kenya - Dowlada Kenya ayaa sheegtay in ay si rasmi ah u furi doonto xudduudka ay la wadaagto Soomaaliya, xilli ay saraakiisha waddankaasi cabsi ka muujiyeen in kooxda Al-Shabaab ay badeecado shar-cidarro ah dalkaasi soo galiyaan oo ay ka helaan dhaqaale.

Nicodemus Ndalana, Gudoomiyaha gobolka waqooyi bari ayaa waxa uu sheegay in guddiga amniga qaranka Kenya ay hada go’aansadeen in dib loo furo xuduudka aya wadaagaan labada ee ku geeska qaaradda Afrika si loo fududeeyo isku socodka Muqdisho iyo Nairobi.

Ndalana,oo ka hadlaayay furitaan degmada Cusub ee Cali Duqur ayaa sheegay in Mandheera ay noqon doonto meesha ugu horaysa ee laga furo xuduudka ay wadaagaan labada dal si dadka Soomaaliyeed ee xuduudka ku sugan ay u helaan adeegyada ay baahanyihiin.

Gudoomiyaha ayaa carabka ku adkeeyay in ay jiraan deegaano wali xiran balse lagu samayno qiimayn buuxda oo dhanka amaan iyada oo aad looga taxadaro weerarada Al Shabaab gobolka ka gaysan karto.

"Bilaha soo socda ayay noqon doontaa in aan furno Mandheera, Libooyo ayaan ku xijin doonaa, ka dibna Kiyuumi saddex barood ayay noqon doona goboha xuduudka ah ee laga soo galayo Kenya," ayuu yiri gudoomiyaha gobolka waqooyi bari Kenya.

Talaabadaan ayaa timid ka dib markii masuuliyiinta gobolka Woqooyi bari Kenya ay ka dalbadeen xukumadda Nairobi in xuduudka la furo maadaama ganacsiga gobolka uu did u dhacay.

Dowladda Kenya ayaa xirtay xuduudka la wadaagto Soomaaliya dhowr marar ayada oo ku sababaysay in ay ka hortagayso weerarada ay ka gaystaan Al Shabaab gobolka iyo badeecadaha sharci darada ah ee la soo galiyo guddaha dalka Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM