Kenya oo diiwaan-gelisay qofkii ugu horeeyay oo u dhintay fayruska

Image

NAIROBI, Kenya – Kenya ayaa diiwaan-gelisay qofkii ugu horeeyay ee u geeriyooday caabuqa dunida faraha kulul ku haya ee Coronavirus.

Bukaanka, 66-jir muwaadin ah, ayaa muddo la tacaalayey xaalado caafimaad, sidda ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka, Khamiista maanta ah.

"Ninka, oo qabay cudurka sonkorta, waxa uu dalka soo galay 13-ii Maaj isagoo Koonfur Afrika u soo maray socdaal uu kaga yimid Swaziland," sidaas war-saxafadeed ku yiri Mutahi Kagwe, xoghayaha Wasaaradda.

Sidda ku xusan bayaanka, galabnimadii Khamiista maanta ah ayaa la dhigay qeybta xaalada deg-dega ah ee Isbitaalka Aga Khan.

Isla maanta, Kenya waxay shaacisay in tirada kiisaska dadka uu soo ritay xanuunka ay ku darsantay saddex, taasoo wadarta guud ka dhigtay 31.

Dhamaan dadka laga helay fayruska waxay yihiin muwaadiniin Kenyan ah oo la kulmay shaqsiyaad uu lasoo darsay xanuunka.

Wasaaradda Caafimaadka, sidda laga soo xigtay warbaahinta gudaha, ayaa sheegtay in ay ku raadjoogto 906 qof oo la kulmay dad uu horey ugu dhacay cudurka, 18 oo kamid ah dadkaas waxay ka qaadeen isbitaalada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM