Kenya oo faafisay qorshaha ay diirada saareyso hadii ay hesho kursiga QM

Image

NAIROBI, Kenya – Dowladda Kenya ayaa waxay soo bandhigay todoba qodob oo ay sheegtay in ay diiradda saareyso hadii ay ku guuleysto kursiga Golaha Ammaanka Qaramadda Midoobay oo Jabuuti ay ku loolamayaan.

Bartamaha bishaan ayaa qorshuhu in Golaha Guud ee Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa uu cod u qaado wadamadda is-haya oo midba uu dhinaciisa si gaar ah uga wato ololaha uu kusoo jiidanayo dalalka coddeynaya.

Kursiga ay isku hayaan dalalkaan ayaa qayb kamid ah shan kuraas oo kamid ah tobbanka xubnood ee aan joogtada ahayn ee fadhiga Golaha Ammaanka oo jaan-gooya siyaasadda, ammaanka iyo nabada caalamka.

Raychelle Omamo, wasiirka arrimaha dibadda Kenya oo rumeysan in waddankeeda uu yahay mid u qalma in uu kusoo baxo tartanka, ayaa hoosta ka xariiqay in ay meteli karaan qaaradda Afrika.

Maqaal ay ku qortay wargeyska afka dheer ee Daily Nation ayay kusoo bandhigtay qorsheyaasha hor-tabinta u leh kuwaas oo kala ah;

Dhismaha buundooyinka oo qayb ka ah ololaha la dagaalanka Covid-19, nabad-ilaalin iyo taageerada howlgaladda; nabadda iyo ammaanka gobolka; ka hortagga argagixisada iyo joojinta xagjirnimadda; awood-siinta dumarka, nabada iyo ammaanka; dhalinyarada; ficilada samafalka, cadaaladda, xuquuqul insaanka, dimuqraadiyadda, degaanka iyo isbedelka cimilada, iyo horumar joogto ah.

Midowga Afrika ayaa August u doortay Kenya in ay metesho Afrika, hase ahaatee, Jabuuti waxay ku doodeysaa qodob kale oo loo qaateen ah kaasoo sheegaya in labadooda ay metelaad u dambeysay Nairobi.

Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya oo dacwad dhanka badda ay kala dhaxeyso Kenya ayaa waxay horey u taageertay Jabuuti, waxayna sii shaacisay in ay codkeeda siin doonto "dowladda aynu walaalaha nahay".

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM