Kenya oo go'aan kasoo saartey adeegsiga diyaaradaha drones-ka

Image
Tani ayaa kusoo aadaysa xilli ay sii kordhayaan siyaasiyiinta u adeegsanaysa ololahooda doorashada.

MUQDISHO, Soomaaliya – Hay’adda Duulista Hawada ee Kenya (KCAA) ayaa qeylo dhaan ka soo saartay adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones-ka kuwaasoo ay siyaasiyiinta u adeegsanayaan ololahooda doorashada 9-ka Ogosto.

Agaasimaha guud ee KCAA, Gilbert Kibe, ayaa sheegay in maamulku ay abaabushay kulan ay la yeesheen milkiilayaasha drones-ka iyo hawl-wadeennada si loo xasuusiyo welwelka iyo xeerarka ammaanka iyada oo diyaaradaha qumaatiga u kaca ay adeegsanayaan siyaasiyiinta xildoonka ah.

Waxa uu ka digay in kororka isticmaalka diyaaradaha drones-ka ay khatar ku tahay isticmaalayaasha, howlwadeennada iyo shacabka.

“Iyadoo isticmaalka diyaaradaha drones-ka loo arko mid degdeg ah, khalad kasta oo yar waxa uu dhibaato u geysan karaa dadka iyo hantida,” ayuu Mr Kibe u sheegay wariye-yaasha.

"Waxaan kulan la yeelan doonnaa daneeyayaasha, oo ay ku jiraan hawl-wadeennada drones-ka, shaqaalaha ammaanka iyo milkiilayaasha si aan ugu iftiimino baahida loo qabo in la ilaaliyo shuruucda duulista," ayuu hadalkiisa raaciyay.

Shuruucda kale ee badqabka, madaxa KCAA, oo warbaahinta kula hadlaysay Kisumu, ayaa tilmaamay in hawl-wadeennada looga baahan yahay in ay ka taxaddaraan halka ay ka soo degaan iyo marka ay ka duulayaan.

"Xeerka ugu yar ee 30 mitir u jira halka ay ku soo degto ama ka kacdo waa in la ilaaliyaa. Qof ama shay yaanay goobtan joogin,” ayuu raaciyay.

Waxa uu xusay in xiisaha ay u qabaan dadweynuhu ay keeni karto shilal haddii ay dhacdo in diyaaradaan laga dajiyo goobaha ay ka socdaan ololaha doorashada.

Marka loo eego xeerarka cusub, milkiilayaasha waa in ay bixiyaan Sh3,000 iyo Sh2,000 oo dheeraad ah ka hor intaysan gelin hawl kasta.

“In kasta oo ay dalka ku sugan yihiin kumannaan diyaaradood drones ah, haddana 200 oo diyaaradood oo aan duuliye lahayn iyo tiro la mid ah oo duuliye leh ayaa loo diwaangeliyey in ay hawadayada ka hawlgalaan.

"KCAA waxay filaysaa isticmaalka korodhka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee gobolka Galbeedka gaar ahaan xog ururinta iyo cilmi baarista ilaalinta deegaanka ee hareeraha harada iyo kheyraadka kale ee dabiiciga ah sida kaymaha, sahaminta iyo naqshadeynta iyo sidoo kale cilmi baarista," ayuu yiri Mr Kibe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Paul Kagame: Madaxda Afrika waxay lacagta shacabka ku maalgeliyaan dalal shisheeye

Hadalka Kagame ayaa imanaya xilli ay jiraan walaac ballaaran oo laga muujinayo musuqmaasuqa ka jira qaar ka mid ah dalalka Afrika.

  • Afrika

    27-04-2025

  • 11:31AM

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM