Kenya oo ka hadahay weerarkii Askarta badan looga dilay

Image

NAIROBI - Kadib markii Sideed Askar oo Kenyan ah lagu dilay weerar isugu jira Qarax iyo dagaal toos ah oo ka dhacay Tuuladda Bojigaras oo ka tirsan degmada Wajir, ayaa waxaa ka hadlay mudane katirsan Baarlamaanka dalkaasi.

Axmed Bashane, oo ah Xilldhibaan laga soo doorto deegaanka Tarbaj oo ka tirsan ismaamul goboleedka Wajir oo ka hadlay weerarkaan ayaa wuxuu tacsi udiray ehelka iyo asxaabta ay ka dhinteen Askarta.

Wuxuu Xilldhibaan Bashane qiray in Askasrta dhimashooda ay ku timaada weerarkaas, islamarkaana dhamaantooda ay ahaayeen kuwa saarnaa baabuurka, xiliga weerarka lala beegsaday.

Magacyada Askarta la dilay:

Xilldhibaanka ayaa wuxuu ku tar-tarsiiyay laamaha amaanka ee Kenya inay si deg deg ah uga jawaabaan weerarada isa-soo taraya oo ay Al-Shabaab ku beegsanayso Askarta dowladda dalkaas.

Al-Shabaab oo sheegatay masuuliyadda weerarka ka dhacay Tuuladda Bojigaras, waxay dhankooda ay sheegteen inay ku dileen weerarkaan illaa iyo 15 kamid ah Askarta, ayna gubeen baabuurka.

"Si adag ayaan u cambaareynayaa weerarka foosha xun oo ay Al-Shabaab ku dishay difaacayaasha dalkeena. Waxaana tacsidda iyo murugada la wadaageynaa ehelka iyo asxaabtooda," ayuu yiri Mudanaha.

Weerarkaan lagu dilay Askarta Kenyan-ka ah ayaa kusoo beegmayaa 12 maalin un kadib markii isla qarax noocaan ah oo ka dhacay Magaalada Liboi, ee ismaamul goboleedka Garissa lagu dilay Shan sarkaal, saddex kalena lagu dhaawacay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM