Kenya oo ka hadashay go’aanka ICJ ee dacwadda badda

Image

NAIROBI, Kenya – Dowladda Kenya ayaa waxay caddeysay mowqifkeeda ku aadan go’aanka kasoo baxay Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ICJ ee ku aadan in aysan jiri doonin dib-u-dhac mar afaraad ku yimaadda dhageysiga gal-dacwadeedkan taagan tan iyo 2014-kii xilligaas oo Soomaaliya ay gudbisay.

Macharia Kamau, xoghayaha joogtadda ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya oo u waramay warbaahinta maxaliga ah ee waddankaas, ayaa meesha ka saarey "in ay guuldaro" kala kulmeen dalabkooda ahaa in ICJ ay jadwad kale kasoo saarto dhageysiga loo balansan yahay 15-ka bisha Maarso.

Sidda laga soo xigtay Kamau, xukuumadda Nairobi waxay diyaar u tahay in ay xaadirto dhageysiga ayna soo bnadhigto doodeeda kiiskan.

Isaga oo u muuqda mid ka falcelinaya in dhageysiga dood-afeedka uu ku qabsoomayo aaladda fogaan aragga ah sababo la xiriira Covid-19, Kamau ayaa hoosta ka xariiqay in aan meesha laga saarin halista cudurka.

Xeer-beegtadda caalamiga ah ee hoostagta Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa oo fadhigeedu yahay magaaladda Hague ayaa lagu waddaa in ay go’aan rasmi ah kasoo saarto hadii dhinacyadda difaacaya Soomaaliya iyo Kenya ay xaadiri doonan maxkamadda ama in ay fogaan arag kusoo bandhigi doonan.

Soomaaliya ayaa todobaadkan waxay carabka ku adkeysay in qareenadeeda ay u diyaarsan yihiin ayna rajeyneyso "xukun xaq oo cadaalad ah".

Dacwaddan hortaala ICJ ayaa salka ku haysa goob hoddan ku ah kheyraad daciici ah si gaar ah shidaal iyo gaas kuna taala xuduudka Soomaaliya iyo Kenya. Labada dowladood waxay maxkamadda isla tageen kadib markii ay ku guuldareysteen in ay miiska wadaxaajoodka ku gaaraan heshiis is-afgarad ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM