Kenya oo qaadanaysa deyn kadib fashilka sharcigii maaliyadda

Image
Sharcigan ayaa waxaa lagu doonayay in lacag badan lagu soo kordhiyo canshuuraha.

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha waddanka Kenya, William Ruto, ayaa sheegay in waddankiisa uu ku qasban yahay inuu qaato deyn dheeraad ah si ay dowladdu u sii shaqeyso.

Go'aankan ayaa ka dambeeyay kadib markii la diiday sharciga maaliyadda oo aan aad loo jeclayn kaas oo lagu doonayay in lacag badan lagu soo kordhiyo canshuuraha.

Ruto ayaa sheegay in uu ka laaban doono sharciga uu ku jiro canshuur kordhinta muranka dhalisay Arbacadii la soo dhaafay ka dib dibadbaxyo ay dad ku dhinteen oo baarlamaanka lagu gubay.

Balse, Axadii waxa uu sheegay in joojinta sharcigan ay dalka dib u dhigtay laba sano, isaga oo sharaxay dhibaatada ay leedahay in aanu awoodin in uu kor u qaado cashuuraha dheeraadka ah iyada oo uu wajahayo culays deyn ah oo aad u badan.

Wuxuu sheegay in tani ay la micno tahay in Kenya ay ku qasban tahay inay amaahato hal tiriliyan oo shilin ($7.6bn; £6.1bn) kaliya "si aan u awoodno inaan maamulno dowladeena".

Canshuuraha dheeraadka ah ayaa waxaa lagu waday in ay kor u qaado ilaa 350 bilyan oo shilinka Kenya ah, halka ku dhawaad ​​600 bilyan lagu waday in la amaahdo ama la deynsado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM