Kenya oo shaacisay in ay xirtay xuduudka ay la wadaagto Itoobiya

Image

NAIROBI, Kenya – Dowladda Kenya ayaa Talaadada maanta ah waxay ku dhawaaqdey in ay xirtay xuduudka ay la wadaagto Itoobiya.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa ku warantay in go'aankaas uu la xiriiro ka hortagga faafitaanka fayruska safmarka ah ee Coronavirus.

Xukuumadda Nairobi ayaa xusul-duub waxay ugu jirtaa siddii ay u xakameyn lahayd xanuunka oo dad badan kusoo ritay waddankaas.

Illaa iyo haatan, gudaha Kenya waxaa laga xaqiijiyey in ka badan 50 kiis oo qaarkood laga helay muwaadiniin dibadda kasoo safray.

Wadarta guud ee dadka laga baarey cudurka ayaa gaareysa in ka badan kun qof, sidda uu ku waramay jaraa'idka Daily Nation.

Dhimashadda Covid—19 uu ka geystay Kenya ayaa hal qof, wallow uu is-dilay bukaan Koonfur Afrikaan ah oo loo karan-tiilay cudurka.

Dhanka kale, Itoobiya ayaa maanta xaqiijisay saddex kiis oo horleh, taas oo wadarta guud ka dhigeysa 21, wallow ay kordhi karaan.

Xiritaanka xuduudaha, joojinta duulimaadyadda, kulamada dadweynaha iyo bandow ayaa kamid ah talaabooyinka lagula tacaalayo Corona.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM