Kenya oo shaacisay mowqifkeeda intiraafka Somaliland

Image
Bishii December ee sanadkii 2020 ayay ahayd markii Muuse Biiri uu booqasho rasmi ah ku tegay magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya.

NAIROBI, Kenya – Dowladda Kenya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay arrinta aqoonsiga Somaliland, kaddib dooddii baarlamaanka UK ay dhowaan ka yeesheen arrintaas.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Raychelle Omamo ayaa sheegtay in Kenya ay Somaliland ula dhaqmeyso sida qeyb ka tirsan federaalka Soomaaliya, iyadoo sheegtay in Somaliland aysan Kenya usoo gudbin codsi loogu aqoonsanayo dowlad madax bannaan.

Bishii December ee sanadkii 2020 ayay ahayd markii Muuse Biiri uu booqasho rasmi ah ku tegay magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya.

Muuse Biixi ayaa la kulmay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, isagoo sheegay inay ka wada hadleen danaha ay wadaagaan.

Booqashada Muuse Biixi waxay ku soo aadday xilli uu aad u sii xumaanayay xiriirka Kenya iyo dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

29-kii bishii la soo dhaafay ee November ee isla sanadkaas, war qoraal ahaa oo ka soo baxay xafiiska wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in safiirkii u fadhiyay Nairobi looga yeeray Muqdisho, halka midkii Kenya ee Soomaaliya na lagu amray in uu dalkiisa dib ugu noqdo si uu wadatashi ula soo yeesho dowladdiisa.

“Dawladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa go’aankan qaadatay iyadoo ilaalinaysa madax banaanideeda qaran, kaddib markii ay u muuqatay in Kenya si bareer ah ay u fara galinayso arrimaha gudaha Soomaaliya, gaar ahaan Jubbaland,” ayaa lagu sheegay qoraalkaas.

Kenya ayaa beenisay in farogelin ay ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Somaliland ayaa 30 sano ka hor ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, balse tan iyo xilligaasi ma aysan helin aqoonsi caalami ah.

Baalamaanka dalka Ingriiska ayaa toddobaadkan gudhiisa dood dheer ka yeeshay arrinta aqoonsiga Somaliland waxaana doodu ahayd mid dhinacyo badan ay xildhibaannada iska taageen qaddiyadda Soomaaliland iyo sida ay dowladda UK ka yeelayso ayaa socotay muddo ka badan hal saac.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM