Kenya oo Shidaal baaris ka billowday Lamu kadib go'aankii ICJ
NAIROBI - Kenya ayaa xoojisay howlihii shidaal baarista ee gobolka xeebta gobolka Lamu kadib markii ay diiday go’aankii ICJ ee Oct 2021, ee dacwadda muranka badda ee kala dhaxaysay Soomaaliya.
Guddoomiyaha hay'adda batroolka Kenya James Ng’ang’a ayaa sheegay in shirkadda ENI Kenya Business Venture (BV) oo horey magaceeda u ahaa Agip ay bishii hore ka bilaawday qodista ceelka Mlima-1 oo kamid ah Block L11B.
Tani waxay daba socotaa sahanno seismic ah oo daaha ka qaaday in aaggu leeyahay Shidaal iyo Gaas. Shirkaddu waxay rajaynaysaa inay soo saarto natiijooyinka kasoo baxay sahminta kaydka ee block L11B bilood ee soo socda.
Sahamiyeyaasha shidaalka waxay isticmaalaan sahannada seismic si ay u soo saaraan macluumaad faahfaahsan oo ku saabsan noocyada kala duwan ee dhagaxyada iyo meesha ka hooseysa oogada dhulka si loo go'aamiyo goobta iyo cabbirka kaydka saliida iyo gaaska ee ku jira.
Ng’ang’a waxuu intaa ku daray in dalka Kenya uu ka tanaasuli doono mashruucan haddii ceelku noqdo mid qalalan marka ay dhamaato qiimaynta 60-ka maalmood gudahooda.
Tan iyo bishii April ee sannadkii hore, Kenya waxa ay samaynaysay khariidadda kaydka saliidda iyo gaasta ee Lamu in kasta oo uu muran xuduudeed ka taagan yahay aaggaas oo kala dhaxeeya Soomaaliya.
Dooxani waxa uu ku fidsan yahay xuduudka Kenya iyo Soomaaliya ilaa xadka ay la wadaagto Tanzania, iyada oo wasaaraddu ay dadaallo ku bixinayso sidii loo sugi lahaa amniga ceelasha shidaalka ee Lamu.
Goobta shidaalka laga soo saarayo waxay ku taallaa dhulka lagu muransan yahay, kaasoo sabab u noqday xurgufta diblomaasiyadeed ee labada dal.
Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku muransanaa 100,000 kiiloo-mitir oo isku wareeg ah oo xeebta dhaca, oo la rumeysan yahay in ay ku jiraan kaydka saliid, gaaska dabiiciga ah iyo macdanta horteeda kahor go'aanka Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) bishii Oct 2021.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sanadkii hore sheegay in Kenya aysan ku wareejin doonin Soomaaliya xitaa taako ka mid ah dhulka lagu muransan yahay, isagoo muujiyay sida dalkiisa uga go’an tahay inuu ilaaliso aagga muhiimka ah ee ku jira shidaalka.
Uhuru ayaa gabi ahaanba diiday go'aanka muranka badda, wuxuuna ku eedeeyay maxkamadda ICJ inay dhinac u janjeerto.
GAROWE ONLINE