Kenya oo soo bandhigtay qaacido cusub oo ay ku cirib-tireyso Shabaab

Image

NAIROBI, Kenya – Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday qaacido cusub oo ay kula dagaalameyso maleeyshiyaadka Al-Shabaab.

Istaraatiijiyadan cusub oo dhaqan-gelinteeda la faray laamaha ammaanka waxaa soo bandhigay madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Kenyatta ayaa tilmamay in xeeladan cusub ay ku beegsan doonan ilaha dhaqaale iyo dhamaan cid kasta oo maalgelisa ururkaas.

Isagoo Jimcadii wariyeyaasha kula hadlay Mombasa, Kenyatta ayaa tibaaxay in ay xayiraad dhaqaale saari doonan Al-Shabaab.

"Waxaa jira maalgeshino sharci darro ah oo Al-Shabaab loo sameeyo, waxaan filayaa in aysan dib dambe u dhici doonin," ayuu raaciyey.

Talaabada ay qaadeyso xukuumada Nairobi ayaa imaaneysa markii Al-Shabaab ay muddooyinkii dambe weeraro ka fulisay gudaha Kenya.

Ku dhowaad tobban weerar oo ay Al-Shabaab ka geysatay Kenya waxaa ku dhintay in ka badan 25 qof oo isugu jira shacab iyo askar.

Qaramada Midoobay ayaa horey u shaacisay in ay Al-Shabaab dhaqaale ka hesho ka ganacsiga dhuxusha iyo canshuuraha ay uruuriso.

Kenya ayaa tan iyo sanadkii 2011-kii waxay kamid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya kuwaasoo tirro ahaan gaaraya 2,600

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Shide oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Itoobiya

Dhanka kale, Golaha Federaalka Itoobiya, oo ah aqalka sare ee Baarlamaanka dalka, ayaa Muferihat Kamil u doortay Guddoomiye.

  • Afrika

    05-10-2026

  • 08:33PM

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM