Kenya oo talaabo qaadey kadib qarax lala eegtay ciidamadeeda

Image
Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa la tuhunsan yahay in ay ka dambeeyaan weerarkaas.

NAIROBI, Kenya –- Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Kenya ayaa qarax khasaare gaystay lagula eegtay gobolka Xeebta Laamu sida ay sheegeen  saraakiisha amaanka dalkaasi iyo dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lala beegsaday kolonyo ay la socdeen ciidamada Kenya, xilli ay ku socdaalayeen gobolka oo martigaliyay weeraro badan Al Shabaab ku qaaday guddaha dalka Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka, kadib ay rasaas fureen ciidmada Kenya ee la qarxiyey balse lama soo warin khasaare gaaray dadka rayidka ah.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka Kenya ayaa xaqiijiyey jiritaanka weerarkaasi, waxayna shaaciyeen in ciidamadu ay sameeyeen iska caabin xoogan, kadib qaraxa lalal beegsaday.

Sidoo kale ciidmada Kenya ayaa sameeyey qaraxa kadib howlgal ay ku baadi goobayaan kooxihii ka dambeeyey weerarkaasi oo meesha ka baxsaday.

Al-Shabaab oo dhankeeda guulo ka sheegatay weerarkan waxa ay shaacisay in halkaasi ay ku dileen ugu yaraan 15 askari oo ka tirsanaa ciidamada Kenya, sidoo kalena ay gubeen baabuur ka mid ah kolonyada ay wateen.

Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliya gudaha Kenya, waxaana khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaraa ciidamada ammaanka ee dalkaasi.

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (Amisom) ayaa qorsheynayay in bisha March ciidamada Soomaaliya lagu wareejiyo amniga dalka. Khuburada arrimaha ammaanka ayaa arrintasi su'aal gelinaya.

Ciidamada Kenya ayaa bishii October ee sanadkii 2011-kii gudaha u galay Soomaaliya si ay halkaas ugula dagaallamaan xooggaga Al-Shabaab oo ay sheegeen inay khatar ku hayeen amniga gudaha Kenya. Fariisimaha milatariga Kenya ee Soomaaliya ayaa ku yaalla deegaannada hoos taga maamulka Jubbaland.

Soomaaliya waxaa ku sugan 22,000 oo askar ajaaniib ah oo ka kala socda dalalka Kenya, Burundi, Itoobiya, Ugandha iyo Jibuuti, kuwaasoo dagaal kula jiray ururka Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dhinacyada ku dagaalamaya Congo oo loogu baaqey inay sameeyeen xabbad-joojin degdeg ah

Kagame ayaa shirka si toos ah uga soo qeyb galay, halka Tshisekedi uu uga qayb galay muuqaal ahaan.

  • Afrika

    09-02-2025

  • 02:39PM

Sudan: Dagaal culus oo ka dhacay nawaaxiga Madaxtooyadda

Dhinaca koonfureed, goobjoogayaal ayaa sheegay in iska horimaadyo u dhexeeyay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa RSF.

  • Afrika

    06-02-2025

  • 01:12PM